Dowladda federaalka oo ka hortageysa ‘khatar ka dhalan karta’ dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan muhiim ah oo ku saabsan sugida amniga magaalada Muqdisho iyo sidii shacabka loogu abaabuli lahaa ka qayb-qaadashada ciribtirka Khawaariijta ayaa maanta ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaasi oo uu shir-guddoomiyay Xamza Cabdi Barre.

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay maamulka cusub ee gobolka Banaadir oo uu hoggaamiyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka, wasiiru-dowlaha amniga gudaha, wasiir ku-xigeenka warfaafinta.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa guddoonka gobolka u sheegay muhiimadda ay xiligaan leedahay in feejignaan dheeri ah la sameeyo, islamarkaana sare loo qaado dadaalada lagu horumarinayo amniga.

Khatarta u weyn ee dowladda ka hortageyso ayaa ah in xubnaha Shabaabka ah ee lagu soo jabiyay dagaalka ka socda gobolada dalka ay kusoo dhuuntaan magaalooyinka oo caasimaddu ugu horreyso.

Xamza ayaa sidoo kale kula dardaarmay maamulka cusub ee gobolka inay abaabulaan bulshada oo ay ku baraarujiyaan halista kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, si bulshada kaalinteeda u qaadato oo laamaha amniga iyo maamulka gobolka ay garab ugu siiyaan ciribtirka argagaxisada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa intii uu kulanku socday ka warbixiyay shaqooyinka socda iyo dardar-gelinta uu maamulka cusub ku wado howlaha mudnaanta u leh, gaar ahaan sugidda amniga magaalada.