Video: Qiimeyn cusub oo laga soo saaray waxa ay qabatay DF kadib qaraxyadii Zoobe 2

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ay ku faahfaahinayaan qiimeynta khasaarihii ka dhashay qaraxyadii Soobe 2 iyo qoysaskii ay saameysay.

Hey’adda ayaa sidoo kale soo bandhigtay macluumaad muujinaya in wax un caawin ah ay dowladdu u sameysay qoysaska dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxyadaas, kadib markii la furay sanduuqyo gurmad.

Ugu horeyn waxaa lagu cadeeyey warbixintaan in 28 qof oo qabay dhaawacyo culus oo isbitaallada loogu tegay la gudoonsiiyey min 500 oo dollar, halka 11 kalena caafimaad dalka dibadiisa ah loo fidiyey, iyadoo 9 ka mid ah la siiyey min 2,000 oo dollar.

119 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyadaas, halka 334 qof ay ku dhaawacmeen, waxaana ku burbrutay 116 xarumood oo goobo ganacsi ahaa.

Sida ay sheegeyso warbixintaan, Hanti gaareysa 3,466,859,02 oo milyan ayaa ku burburtay qaraxyadii Soobe 2, iyadoo xarumo ay ku jiraan wasaaradda waxbarashada iyo Salaam Bank aan lagu darin qiimeyntaan.

“Warbixinteenu waxay cadeyneysaa in markii ugu horeysay ay dowladda Soomaaliyeed caawisay qoysaska dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada dalka ka dhacaya, weliba si public ah,” ayuu yiri masuul ka tirsan hey’adda Maareynta Masiibooyinka.

Sidoo kale warbixintaan waxaa lagu soo bandhigay shaqooyinkii ay hayeen dadka geeriyooday iyo hanti la gaarsiiyey ehellada qaar ka mid ah dadkii ku geeriyooday halkaas.

Hoos ka daawo shaxda lagu soo bandhigay warbixintaan.