DF oo ku dadaaleysa sidii dibadda loogu qaadi lahaa dhaawacyada liita + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, oo ay wehliyeen Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Mudane Cabdullaahi Xaamud Maxamed, ayaa maanta oo Sabti ah, waxa ay booqdeen dadka ku dhaawacmay qaraxii maanta ka dhacay isgoyska ex-control Afgooye.

Wasiir Cawad waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadka dhibku ka soo gaaray weerarkani bahalnimada leh, isagoo u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay bogsasho degdeg ah, waxaana uu sii xoojiyay adkaysiga shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto argagaxisada, iyadoo adkayn doonta nabadgelyada dadkeeda.

Intii uu ku guda-jiray booqashadiisa Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan, oo hore loogu yiqiin Isbitaalka Digfeer, ayaa Wasiirku waxa uu kula kulmay Safiirka Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz iyo Agaasimaha Isbitaalka, Dr. Aşır Eraslan, isagoo uga tacsiyadeeyay Dowladda iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee Turkiga geerida laba injineer Turki ah oo ku naf-wayday weerarkani dhiigga badan ku daatay.

Wasiirka waxa kale oo uu la kulmay guddi xukuumadeed oo loo xilsaarray in ay u gurmato dadka is-qarxintani argagaxiso ku waxyeelloobay, si kuwa dhaawacoodu culusyahay ee dalka lagu daweyn-kari waayay ugu qaado dalalka aanu walaalaha iyo saaxiibada nahay si loogu soo daweeyo.