Taabit Cabdi: “Qorshaha amniga ee DF waa in la badalaa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadirm ahaana Duqii Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Qaraxii saakay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Taabit Cabdi ayaa sheegay inuu murugada la qeybsanayo Ehelada dadkii shacabka ee Maanta ku waxyeeloobay Qaraxii Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye, isagoo tacsi u diray dadkii halkaas ku geeriyooday, halka ku dhaawacmay uu Alle Caafimaad uga baryay inuu siiyo.

Isaga oo la hadlaayay Warbaahinta Dalsan, ayuu Taabit Cabdi Maxamed shacabka iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda ugu baaqay inay gurmad deg deg ah u sameeyan dadkii ku dhaawacmay Qaraxaas, isla markaana ay dhiig u shubaan dadka.

Taabit ayaa tilmaamay in qorshihii Amniga ee Dowladda Soomaaliya ay muuqato inaan loo fulin sidii loogu talagalay.

Taabit ayaa ku baaqay in si deg deg ah wax looga badalo qorshasha Amniga ee Dowladda Soomaaliya isla markaasna la fiiriyo

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana ku geeriyooday 79 ruux, iyadoona ay ku dhaawacmeen 125 qof, waxaana ku jiray Arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga Thaabit