Fiqi oo sabab yaab leh tacsi ugu diray Farmaajo, Kheyre iyo madaxda kale ee DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliy,a oo tacsiyeynayey dadkii ku waxyeeloobay qaraxii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dhankoodana uu u tacsiyeynayo laamaha amiga iyo madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasarae Kheyre.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in sababta uu ugu tacsiyeynayo ay tahay inay gabeen ilaalinta shacabka la xasuuqayo maalin walba, taas bedelkeedna uu madaxweynihii kaligii la daalaa dhacaayo, sidii uu u sugan lahaa amnigiisa.

“Waxaan rabaa inaan u tacsiyadeeyo hey’adeheena amniga, waxaan u tacsiyeynayaa Ra’iisul wasaareheena, waxaan u tacsiyeynayaa madaxweyneheena oo runtii waxaan tacsi aheyn kari waayey dadka la xasuuqayna ay iyaga amni ka sugayeen, madaxweynihiina uu isku soo koobay sidii uu u sugan lahaa aminigiisa oo xeyndaabkii madaxtooyada uu ku xirto dhagax iyo ciidan” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka jeesatay shaqadii loo igmaday oo dagaalkii la rebay inay ku qaadaan cadawga ay u weecisay maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan, isla markaana ay bedeleen caqiidadii ciidamada qaran oo ay ka dhigeen kuwo ilaalinaya nidaamkooda oo aan shacabka u adeegin.

“Waxaan rabaa inaan fariin u diro madaxda qaranka oo dhaho ciidamadii waad marin habaabiseen, waxaad ka duwdeen shaqadii la rabay inay qabtaan, taasina waxay keentay in maalin kasta ay argagixisadu goosato qeyb dhan oo dadkeenna ka mid ah, marka waxaan leeyahay ciidamadu waa inay shaqadooda aqoonsadaan oo shacabka difaacaan siyaasadana faraha kala baxaan Taliyaasha hoggaamiyana ay sidaas sameeyaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xildhibaan Fiqi.

Madaxweynaha ayuu kula taliyey inuusan marin habaabin ciidamada qaranka iyo hoggaankooda isagoo fiirinaya siduu kursigiisa ugu ilaashan lahaa.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in markii uu dhacay qaraxii soobe madaxda hada hoggaamisa dowladda loogu sheekeeyey in dad ka yar 30 qof ay ku dhinteen qaraxa, isla markaana iyagoo hubsan ay fagaaraha lasoo istaageen ‘waxaa dhimatay 30 qof oo kaliya’ si lamid ah taasna uu hada filayo in wali beentii loo sheegayo madaxda oo aysanba ka war qabin khasaara ka dhashay qaraxii saakay iyo dadka la xasuuqay.