Jeneral Xijaar oo sharaxay sababta uu Filish u dhahay “dhimasho ha sheegin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Xijaar oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey qaraxii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay inay xaqiijiyeen dhimada 79 ruux, halka dhaawacyada uu ku sheegay in ka badan 100 qof, isgoo uga tacsiyeeyey ehelada dadkii dhintay ku dhaawacmayna u rajeeyey inuu Alle caafimaad siiyo.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in saakay markii uu dhacay qaraxaas ay durba goobta gaareen, halkaas oo uu sheegay in mudo kadib uu uga daba tagay guddoomiyaha gobolka Cumar Filish, oo warbaahinta la hadlay xilli uu garab taagnaa taliyaha boolisku.

Guddoomiye Cumar Filish oo ka war bixinayey sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay qaraxaas, ayaa Taliye Xijaar oo garabkiisa taagnaa waxa uu ka dalbaday inuusan sheegin tirada dhimashada ka dhalatay qaraxa, taas oo sababtay in guddoomiye Filish uu ku adkeysto sheegidda in ka badan 90 qof oo dhaawacmay qaraxa.

Taliyaha oo markii uu sidaas faraayey guddoomiyaha ka soo muuqday warbaahinta sidoo kalena codkiisa la maqlayey ayaa sheegay in arrinkaas uu kala jeeday oo kaliya in la hubiyo khasaaraha ka dhashay qaraxa, si buu yiri shacabka loogu gudbiyo warbixin dhameys tiran.

Xildhibaanada iyo shacabka qaar ayaa ku eedeeyey dowladda inay qarineyso khasaaraha shacabka, “si ay u daboosho fashilka dhanka amniga”.

Hoos ka daawo taliya Xajaar