Wararkii ugu dambeeyey dagaal Muqdisho ku dhex maraya ciidamo u abaabulan hab beeleed

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo u abaabulan qaab beeleed, ayaa ka socda magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku hayo dhul sharci darro ah oo ku yaalla Xaafada Tarabuunka, oo ay isku hayaan, waxaana dagalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Rasaasta ay is dhaafsanayaan ciidamadaan ka tirsan dowladda, balse u dagaalamayo hab Beeleed ayaa waxaa laga maqlayaa qeybo badan oo ka tirsan Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa inay ku dhinteen dad gaarayo illaa 5 Qof oo u badan dad shacab ah.

Sidoo kale dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 7 qof oo shacab ah, wuxuuna Isgoyska Tarabuunka kamid yahay isgoysyada ugu mashquulka badan Magaalada Muqdisho.

Hay’adaha Amniga Soomaaliya weli kama hadlin dagaalka Maanta Xaafada Tarabuubka ku dhex-marayo ciidamo ka wada tirsan dowladda una abaabulan hab beeleed.

Maahan markii ugu horeysay oo ay ciidamadaan ku dagaalamaan Tarabuunka, wuxuuna dagaalkooda noqday mid mar kasta soo noq noqdo iyadoo la isku hayo guryo halkaas ku yaalo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dagaalkaan kala soco Caasimadda Online