Xeendaab xal ma u yahay magaalada Muqdisho?

Inta badan ma jecli qoraal si toosa wax looga sheegayo Madaxda Sar sare ee wadanka balse marka ay Masiibo dhacdo waxaa muhiima in dareenka la wada wadaago.

Mas’uuliyadda Wadanka waxay saaran tahay Madaxweynaha ,oo asaga ayaa dhabarka u dhigtay una dhaartay Wadankan inuu xaaladii markaas jirtay uu ka samata bixiyo, balse taas ma aysan wada dhicin iyo Balanqaadyadii u kusoo galay Kambeenka ma wada fulin oo ugu horeeyo Amniga .

Amniga waa u tiir Nolosha Bini’adamka, waa dhibka ugu weyn ee maanta Ina haystaa, waa mid u baahan in habeen iyo maalin ay usoo jedaaan dhamaan Madaxda wadanka, waa arin mudan in Maanka la Shiilo Maskaxdana laga shaqaysiiyo.

Waxaan aragnaa inta badan marka Masiibo dhacdo inaan meel walba isaga soo gurmano, juhdi iyo dadaal badan aan galiyo, waxaa sababa inta badan wiil yar oo 18 sano jir ah wali maan arag Wacyi galin Bulsho oo lagu suulinayo Afkaaraha qaloocan.

Hadaan labada Shabelle Amni noqon mar walba waay adkaanaysa Caasimadda in Amni sugan lagu naaloodo, madaama waqtiga Dowladdu gabaabsi yahay waxaa badan doona beegsiga wAxaana yaraan doona in goobo hor leh Dowladdu qabsato taasina waa (jug jug meeshada joog) .Tan Ciidamadda waxaa maalmahan soo ifbaxaya in Ciidamadda laftooda si yaabo guracan la isaga horkeenayo iyo Madax isku galin halka lagu jahayn lahayd la dagaalan Cadawga walibana ay qeeb ka yihiin rag mas’uuliyiina.

W/Q: Abdullahi Mahdi