DF oo shaacisay tallaabo ay qaadeyso haddii ay dagaal isku rogto xiisadda BADDA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dagaal diyaar u tahay oo ay difaaceyso madax-banaanideeda haddii ay xiisadda badda ee kala dhaxeysa Itoobiya ay isku rogto gacan ka hadal.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay xiritaanka Shirka Madasha Garyaqaanadda Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay dadaal kasta gelineyso difaaca baddeenna, ayna kaga guuleysaneyso Itoobiya, si looga hortego damaceeda gurracan.

“Waa ku guuleysaneynaa dooda socota, sababtoo ah xaq ayaan ku taaganahay” ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in hadda dagaalka diblomaasiyadda ay ku gacan sarreyso Soomaaliya, isla markaana Itoobiya ay ku jirto go’doon caalami ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Diblomaasiyaddii Soomaaliya way shaqeysay, Itoobiya iyadaa hadda cusri ku jirta oo go’doon ah daan-daansigeedii iyada wuxuu ku yahay culays” ayuu ku daray Xasan.

Sidoo kale wuxuu Itoobiyaanka xasuusiyay sida ay Soomaaliya uga guuleysatay Kenya, kadib kiiskii badda ee maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

“Waxaa xusid mudan Soomaaliya sanadkii hore waxay ku guuleysatay kiis baddeeda lagu qabsaday oo waddanka dariska ah ee Kenya la yiraahdo nagu qabsaday oo aan ICJ uga soo guuleysanay” ayuu mar kale khudbaddkiisa ku yiri wasiir Xasan Macallin.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay haddii xittaa ay dagaal isku rogto xiisadda badda ay Soomaaliya diyaar u tahay difaaca madax bannaanideeda, isaga oo sheegay in horay Itoobiya looga saaray dalka, kadib abaabul ay sameeyeen shacabka Soomaaliyeed, hadane ay sidii ay kasii xoog badan yihiin, maadaama la dhisay hay’adihii dowladda iyo ciidamada.

“Haddii ay gacan tegtaa Soomaaliya oo dowladddeedu ay xooganeyn oo aysan tabar lahayn dhowr iyo toban sano kahor ayay ahayd markii Itoobiyaanka lagu qasbay inay Soomaaliya ka baxaan dadweyne Soomaaliyeed oo is biirsaday ayayna ahaayeen, hadda annaga oo dowlad qabna oo xoogeysanay oo 15 sano da’deena ay ku korortay waxaan is leeyahay intii hore waan ka fiicanahay” ayuu kusoo gabagabeeyay wasiirka cadaalada Soomaaliya.