30.9 C
Mogadishu
Friday, March 27, 2026

DF oo la wareegtay inta badan magaalooyinka waaweyn ee Koonfur Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa sidii ay u maamuli lahayd magaalooyinka waaweyn ee maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay ku xooggan yihiin mucaaradka madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Magaalooyinkan oo ah kuwo istiraatiiji ah, isla markaana ay ka mid yihiin caasimadaha gobollada Shabeellaha Hoose iyo Bakool ayaa la soo warinayaa in ay ka taliyaan maamulo hoostaga dowladda dhexe, taas oo sii kordhisay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Magaalooyinka kala ah Baraawe, Marka, Afgooye, Waajid, Xudur, Buurhakaba, Qansaxdheere iyo Diinsoor, oo ku kala yaalla gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ayaa la sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan mas’uuliyiin iyo maamulo taageersan dowladda federaalka.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa loollan siyaasadeed oo xooggan, kaas oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Madaxweyne Lafta-gareen, xilli uu muran ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka iyo hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku sheegay in Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu haatan ka taliyo magaalada Baydhabo oo keliya.

Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Hal degmo oo maanta duqaas (Lafta-gareen) gacantiisa ku hartay ma jirto marka xaafadda uu ka degan yahay Baydhabo laga reebo, iyadana mar dhow waa laysugu imaanayaa.”

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa toddobaadkan maamul cusub u soo magacowday gobolka Bakool iyo magaalooyinka Xudur iyo Waajid, tallaabadaas oo sii xoojisay loollanka maamul ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed.

Arrintan ayaa keentay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed ay iyaduna dhankeeda maamullo cusub u magacowdo qaar ka mid ah degmooyinka, taas oo muujinaysa is-maamul sheegasho iyo khilaaf sii xoogeysanaya.

Koonfur Galbeed oo haatan ku jirta xaalad siyaasadeed oo cakiran ayaa waxaa deegaannada ka maqan gacanta maamulkaas ku sugan wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe, kuwaas oo la sheegay inay wadaan abaabul iyo diyaarin ciidan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in abaabulkan uu salka ku hayo qorshe la doonayo in lagu ballaariyo saameynta dowladda federaalka ee deegaannada hoos taga maamulka Koonfur Galbeed, arrintaas oo sii murjin karta xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News