Madrid (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Spain ayaa maanta kala saxiixday heshiis cusub kadib kulan muhiim ah oo magaalada Madrid ku yeesheen Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Spain, Diego Martínez Belío.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo muhiim u ah labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha badda, dhalinyarada, iyo iskaashiga dhinacyada caalamiga ah.
Labada dhinac ayaa isla gartay in la xoojiyo wada-shaqeynta si loo gaaro danaha wadajirka ah.
Dowladda Spain ayaa soo dhoweysay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinacyada dib u dhiska, amniga iyo xasilinta, iyadoo bogaadisay dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan dhismaha hay’adaha dowladda iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.
Dhankeeda, dowladda Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ku saleysan danaha qaran, iyadoo Spain ku tilmaamtay saaxiib muhiim ah oo ka tirsan Midowga Yurub.
Intii uu socday kulanka, labada mas’uul ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan wada-tashiyada siyaasadeed, kaas oo dhidibada u aasaya hannaan joogto ah oo wada hadal iyo isfaham siyaasadeed ah.
Heshiiskan ayaa la filayaa inuu sahlo kulamo joogto ah oo ay yeeshaan mas’uuliyiinta labada dal, isla markaana kor loogu qaado iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Sidoo kale, heshiiskan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah, isla markaana ka tarjumaya doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ku leedahay saaxadda caalamka, gaar ahaan ka mid ahaanshaheeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Horumarkan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Soomaaliya ku ballaarineyso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Yurub iyo guud ahaan beesha caalamka, xilli ay dowladda federaalka dadaal ugu jirto soo jiidashada maalgashi iyo taageero caalami ah.

