30.5 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Guddiga doorashooyinka K/Galbeed oo shaaciyay jadwalka soo xulista xildhibaannada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka ee dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta soo saaray jadwalka soo xulista xildhibaannada iyo doorashada guddoonka Golaha Wakiillada maamulka.

Guddiga ayaa sheegay in maalinta Sabtida oo ku taariikhaysan 28-ka bisha Maarso la guda geli doono soo xulista iyo diiwaan-gelinta Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

“Magacaabista kadib, guddiga ayaa guda galay howlaha shaqo ee loo igmaday, iyaga oo kulamo kala duwan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada; sida odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada rayidka iyo laamaha amniga. Kulamadaas ayaa looga hadlay dardar-gelinta hanaanka howlaha doorashooyinka DKGS,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday guddiga.

Sidoo kale, Sabtida waxaa la shaacin doonaa xubnaha Golaha Wakiillada maamulka, iyadoo isla maalintaas la guda geli doono dhaarinta iyo howlgelinta Golaha Wakiillada 3-aad ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Maalinta Axadda ee 29-ka Maarso ayaa sidoo kale la qaban doonaa araajida musharraxiinta guddoonka golaha, iyadoo isla maalintaas ay dhici doonto doorashada guddoonka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa saddex maalmood ka hor magacaabay guddigan durba howl-galay, kaas oo ka kooban 9 xubnood, iyadoo guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen.

Ujeedada dhismaha guddigan ayaa  sidoo kale ah inuu ka shaqeeyo doorashada madaxweynaha maamulka, oo uu haatan muran ka taagan yahay, iskuna hayaan maamulka Lafta-gareen iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya dowladda dhexe.

Arrimahan ayaa sii hurinaya xiisadda labada dhinac oo isku rogtay gacan ka hadal, waxaana hadda ay u muuqataa in Lafta-gareen u bareeray inuu doorasho iskiis ah ku qabsado Baydhabo, isagoo qaaday waddadii Axmed Madoobe oo horay doorasho gaar ah ugu qabsaday Kismaayo.

- Advertisement -

Read more

Local News