Gaalkacyo (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee xabsiga gobolka Mudug, Gaashaanle Sare Aadan Nuur Qaal, ayaa shaaciyey in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ciidamo ka qoranayso gobolka Mudug, ayna arrintaasi kala shaqaynayaan mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo saraakiil ciidan, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa jirta in Xasan Sheekh dhalinyaro ku soo safay Gaalkacyo, oo uu ciidamo ka qoranayo, aysanna jirin cid ka warqabta, cid ka celinaysa iyo cid ka dhiidhiyeysa dhibaatada Gaalkacyo ku soo fool leh. Haddii aan hadda laga hawlgelinna waxaa laga dooni doonaa meel fog,” ayuu yiri Taliye Aadan Nuur Qaal.
Gaashaanle Sare Aadan Nuur Qaal ayaa ku eedeeyey madaxda ugu sarraysa Puntland ee gobolka Mudug inay wadashaqayn la leeyihiin madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayna ka shaqaynayaan sidii gobolku uga bixi lahaa gacanta Puntland.
“Dadka Gaalkacyo mas’uuliyiinta ka ah intooda badan DFS ayey la shaqaynayaan; hal qof oo Gaalkacyo ka naxayana kuma jiro. Waxyaabaha ay samaynayaan warbaahin lagama sheegi karee waa in wax laga qabtaa. Waxay taagan tahay in Gaalkacyo gacanta Puntland ka baxdo. Waxaan codsanayaa saraakiisha dowladda iyo wasiirradu inay yimaadaan oo arrintaan wax ka qabtaan,” ayuu yiri mar kale Aadan Nuur Qaal.
Warkaan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu shaaciyey inay jiraan ciidamo ka amar qaata dowladda Soomaaliya oo ku sugan deegaanno ka tirsan Puntland.
Wuxuu sidoo kale imaanaya xilli Puntland ay kordhisay eedeymaha ka dhanka ah mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa Isniintii sheegay inuu gabagabo marayo heshiis u dhexeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.
Wasiir Dirir waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan in awoodda maamul ee dalka lagu wareejiyo 60%, halka inta dhimanna ay la doonayaan madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo dhankeeda dagaal kula jirta kooxda Al-Shabaab.
“Al-Shabaab waxay doonayaan inay 60% ka badan awood qaybsi ahaan u helaan, halka Xasan uu doonayo kaliya 50%. Muddadii uu Madaxweyne Xasan xafiiska joogay Al-Shabaab dad badan ayey ku darsadeen dowladnimada Soomaaliyeed; wasiiro iyo xubno kale ayaa kamid ah,” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

