DF oo la wareegtay guryo ku yaalla Muqdisho + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyay in dowladda ay la wareegtay illaa 5 guri oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in guryahaas ay daganaayeen shabakad isku xiran oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu soo qabtay howl-galo ay ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ka sameeyeen Muqdisho.

“Guryaha waxay ka soo heleen sirdoonka hubka noocyadiisa kala duwan, daawooyin iyo qalab caafimaad, taasi oo keentay inay soo galaan gacanta dowladda. Dadkii lagu soo qabtayna waa xiran yihiin sharciga ayaa la marsiin doona, waana xukun sugayaal,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu uga digay shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho in ay guryo ka kireeyaan dad aysan aqoon u laheyn, isaga oo faray inay la socodsiiyaan degmooyinka cida ay ka kireynayaan guryahooda.

“Dadka Soomaaliyeed waxa u sheegayna in guryahood markay kireynayaan ay ogaadan dadka ay ka kireynayaan noociyadeeda oo waa inay tagaan degmada, guri kasta degmo ayuu ku yaalla. Marka waa inay xiriir la sameeyaan degmada oo la socodsiiyaan saldhiga booliska ee meesha ku yaalla.”

Guryaha ay la wareegtay dowladda ayaa waxaa lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo saldhigyo ka dhigtay guryahaas oo ku yaallo caasimada oo ay kireysteen, sida uu sheegay maamulka gobolka.