Daawo: Muxuu Roobow ka yiri kacdoonka dalka ka socda ee ka dhan ah Al-Shabaab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka qeyb-galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka curtay qeybo kamid ah dalka.

Roobow ayaa sheegay in qof kasta laga rabo inuu ka shaqeeyo sidii loo sugi lahaa amniga, la isagana dhicin lahaa cid kasta oo diidan.

“Waxaa waajib ah inaan ka shaqeyno amniga, haddii intiina aad u istaagtaan inaad ammaanka ka shaqeysaan waa lagu guuleysanayaa, waa inaan ka shaqeyno sidii ay isaga celin laheyn cid kasta oo dhibaato ku ah amnigeena,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Nabi Ibraahim markii uu ummadiisa u duceynayey wixii ugu horreeyey ee uu Allah u waydiiyey waxay aheyd amni kadib ayuu irsaaq u waydiiyey, haddii aan ammaan la heysan arsaaqda waxay tahay ma lahan, waa la is boobayaa waa la is dhacayaa.”

Mar uu ka hadlayey kacdoonka dalka ka bilowday ayuu yiri “Waad ogtihiin hadda waddanka wuxuu galay inay iska dhiciyaan dadkaan balaayada noqday waa Al-Shabaab iyo wixii lamid ah, waa ogtihiin hadda gobolada oo dhan waxaa ka bilowday howlgalo la isaga dhicinayo.”

Roobow ayaa xusay in markii ay dowladda Soomaaliya go’aansatay in iska celiyo Al-Shabaab la arkay haween badan oo cunno iyo biyo la daba taagan ciidanka, taasi oo uu ku tilmaamay door fiican.

“Al-Shabaab waa kuwa dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ka duminayo ceelasha oo ka gubayo guryaha, gabdhahana waxay ballan qaadeyn inay qeyb ka noqonayaan markii ay dowladda go’aan ku gaartay in la iska dhiciyo Al-Shabaab,” ayuu yiri Roobow.

Roobow oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa wuxuu hadalkiisa imaanayaa xilli uu dalka ka socdo kacdoonka looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab oo socdo gobolada Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Hoos ka daawo muuqaalka Roobow