DF oo markale digniin culus kasoo saartay dhul boobka

Muqdisho (Caasimada Online) – Garyaqaanka guud ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cismaan Cilmi Guuleed ayaa si adag uga hadlay dhul boobka haatan socda, isaga oo soo saaray digniin culus oo ku aadan dhulalka danta guud ee ku yaal dalka.

Dr. Cismaan Cilmi ayaa shaaca ka qaaday inay haatan sii kordhayaan boobka dhulalka danta guud oo uu tilmaamay in loo marayo sifo sharci darro ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu farriin diray cid kasta oo ku howlan qabsashada, cabirashada ama wax kasta oo wax ka beddelaya asalka dhulalkaas, isaga oo ugu baaqay inay ka waantoobaan.

Warqaddan ayaa sidoo kale si gaar ah loogu socod siiyey maamulka degmada Afgooye, iyada oo lagu sheegay in dad shacab ah & mas’uuliyiin ay dhul boob ka wadaan halkaasi.

Maamulka degmada iyo kan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la faray inay ka hortagaan tallaabadaasi ka dhanka ah dhulalka danta guud.

“Iyadoo la tixraacayo Xeerarka (Dekreetooyinka Madaxweynaha JFS ee 2017 iyo 2021, kuwaas oo dhammaantood timaamayay in dulalka Danta-guud lagu takri fali Karin, sifo sharci darro ahna lagu milkin Karin, cidna la sin Karin, loo cabbiri Karin, laga kirayn Karin ayada oo aan loo marin habraac Sharciga Waafaqsan Sidaa darteed, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda waxa uu ku wargelinayaa dhammaan Shacabka, Hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo cid kasta ee ku hawlan qabsasha, cabbirashada iyo wax kasta oo wax ka bedelaya dhulkaas asalkooda in ay ka waantoobaan,” ayaa lagu yir warqadda.

Waxa kale oo uu qoraalku intaas ku daray “Sidoo kale waxaa la farayaa masuulyinta Warqadani sida tooska ah ugu socoto in ay joojiyaan falalka sharci darrada ah iyo boobka lagu hayo dhulalka sare ku xusan,”.

Si kasataba, warqadan ayaa daba socota Digreetadii madaxweynaha uu soo saaray, taas oo lagu joojiyey iibeynta iyo kireynta dhulalka danta guud, inta lagu jiro xaaladda kala guurka.