Wararkii ugu dambeeyey weerar culus oo lagu qaaday ciidanka KENYA ee Somaliya

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar culus oo loo adeegsaday madaafiica oo saacadihii lasoo dhaafay xoogaga Al-Shabaab ay ku qaadeen Jaziiradda Kudhaa oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee Jubbaland.

Weerarka ayaa sheegaya in madaafiica oo ahaa kuwa culus lagu weeraray saldhig ay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in tirada ugu madaafiica la riday ay ku hoobteen gudaha xerada, halka ay kuwa kale ay ku dhaceen bannaanka saldhigga.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Kenya ay dhankooda rideen madaafiic jawaab u ah weerarka lagu qaaday saldhigooda Kudhaa ee Jubbada Hoose.

Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waaa lagu sheegay in xoogagooda ay 50 madfac la heleen saldhigga Kudhaa ee Kenya, ayna gaarsiiyeen khasaare xoogan.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iyo howl-gallo ay ka socdaan Jaziiradda Kudhaa iyo agagaarkeeda, kuwaas oo ay wadaan ciidamada huwanta.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee kooonfurta Soomaaliya.