Macron oo ka qoomameeyay xiisada kala dhaxeysa Algeria

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu Algeria u hayaa “xushmadda ugu sarreysa,” wuxuuna ka “qoomameynayaa” muranka diblomaasiyadeed ee ka dhashay cambaareyntiisa ku aadaneyd hoggaanka dalkaas, waxaa sidaas Talaadadii sheegay xafiiskiisa.

Kadib markii la doortay 2017, Macron ayaa isku dayey inuu beddelo sooyaalka, si ka duwan madaxdii ka horreysay, wuxuuna qiray xadgudubyadii ay Faransiiska ka geysteen Algeria.

Hase yeeshee xiriirka labada dal ayaa xumaaday October kadib markii uu ku eedeeyey “nidaamka siyaasaadeed iyo kan militari,” ee Algeria inay dib qorayaan taariikhda dagaalkii madax-banaanida, si u huriyaan “naceyb ku wajahan Faransiiska.”

Hadalkaas oo uu jeediyey intii uu socday kulan uu la qaatay faraca dadkii ka qeyb galay dagaalka, kaasi oo uu baahiyey wargeyska Le Monde, ayaa Macron wuxuu sidoo kale su’aal ka keenay haddii Algeria ay qaran ahaan u jirtay kahor gumeysigii Faransiiska ee sanadihii 1800.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu ka qoomameynayaan muranka iyo is-faham darrida ka dhashay hadalladiisa,” waxaa sidaas yiri sarkaal sare oo ka tirsan madaxtooyada oo codsaday inaan la magacaabin.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Macron uu “xushmadda ugu sarreysa u hayo qaranka Algeria, taariikhdeeda iyo madax-banaanida Algeria.”

Algeria ayaa si caro leh uga falcelisay hadalka Macron ee October, iyo go’aan ka horreeyey oo Faransiiska uu ku dhimay tirada dal-ku-galka ee la siin jiray shacabka dalalka Algeria, Morocco iyo Tunisia.

Algiers ayaa u yeertay safiirkeeda Paris, waxayna diyaardaaha miliraiga Faransiiska ka mamnuucday hawadeeda.

AFP + VOA