SHEEKH SHARIIF oo shaki cusub geliyey doorashada Soomaaliya kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa walaac hor leh ka muujiyey qabashada doorashooyinka dalka oo cago jiid badan ka muuqdo.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in si rasmi ah loo ogeyn xilliga ay bilaabanayaan doorashooyinka iyo xilliga ay soo idlaanayaan, midaasi oo hubanti la’aan dalka halis gelin karta.

“Dalka waxa ka jirta xaalad doorasho oo aan la hubin xiliga ay dhaceyso, run weeye in doorasho bilaabatay Aqalka Sare, laakiin Aqalka Sare oo lambarkiisa aad u kooban yahay waxa uu socday waqti dheer oo ka badan saddex bilood ah. Aqalka Hoose oo aad uga badana waxaa laga doortay labo xubnood waxaa la ogeyn goorta si dhab ah wax u bilaabanayaan,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Lama ilaalin waqtigii doorashooyinka, taasi oo mugdi galineysa meesha wax u socdaan iyo meesha ay ku dhamaan karaan. Waxaa wada ognahay dhibaatada dalka ka jirta Dhaqaale ahaan, Amni iyo bulsho ahaan dhibaatooyinka ka jirta waxaas oo dhan waxa fure u ah doorasho xor iyo xalaal ah oo cad waqtiga ay dhaceyso.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in mas’uuliyada qabsoomida doorashooyinka ay saaran tahay dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo Guddiyada doorashooyinka labada heer oo ayagu gacanta ku haya habsami u socodka doorashooyinka.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in si dhaqso leh loo qabto doorashooyinka dhiman oo muddo dhac badan ku yimid, islamarkaana ay lagama maarman tahay inay u dhacdo hanaan lagu kalsoonaan karo.

“Dalalka burburaya ee Afrika iyo meelaha kale ku yaala asbaabta u weyn waxay la xiriiran arrimo doorasho, Soomaaliya waxaa dhibaato ku filan intii ay soo martay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in markasta oo lagu sii dheeraado xaalada kala guurka in fursad siin karto kooxaha argagixisada iyo Al Shabaab oo ka faa’iideysanaya hubanti la’aanta doorashada.