DF oo markii u horeysay ka hadashay sababta shirkada Ethiopian Airlines aysan ugu hogaansamin go’aankeeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababta ay diyaaradda Ethiopian Airlines ugu hoggaansami la’dahay go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku joojisay duullimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray dalka.

Wasiirka ayaa qiray in diyaaradaasi ay si joogto ah uga degto magaalada Hargeysa ee Somaliland, isla markaana duullimaadkeeda la iskaga daayey sababo jira, in kastoo sababahaas uusan si qota dheer uga hadlin.

“Ogolaansho aan siinay diyaaradaas ma jirto, ku meel gaar ama fasax caadi ah toona, waxayna hadda ka degtaa Hargeysa, balse waxay keentaa dad Soomaaliyeed, sida aad ogtihiina qofkii ka yimaada dalka dibadiisa 14 maalin oo karaantiil ah ayaa la geliyaa, marka safarada diyaaradaas waa xaalad gooni ah,” ayuu yiri wasiirka duulista hawada Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in markii laga reebo Ethiopian Airlines ay diyaaradaha kale fasax ka qaataan dowladda Soomaaliya, si ay uga degaan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

“Waxaa jira diyaarado kale oo sida dawooyin iyo qalab caafimaad oo anaga fasax naga heysta, kuwaas oo ka dega magaalada Hargeysa. Hadda waxaa Hargeysa ka degaya diyaarad daawo sida oo aan anagu fasaxnay, sidaas ayaana u fasaxnaa diyaaradaha gargaarka sida ee ka degaya Hargeysa, ileen waa lagama marmaan’e,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiir Oomaar.

Dhinaca kale wasiir Oomaar ayaa dadka xuduudaha kasoo gelaya Soomaaliya oo dhan ka dalbaday in ay joogaan goobahooda oo aysan dalka soo gelin inta ay taagan tahay khatarta cudurka Coronavirus.

“Dadka xuduudaha kasoo gelaya guud ahaan dalka, waxaan ka codsaneynaa in cudurkan uu Ilaahey naga dhaafinaayo qof kasta meesha uu ku suganyahay in uu iska joogo, oo aysan noo imaanin qof kasta meesha uu joogo Allaha ku nabad yeelee”ayuu yiri wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii wasiir Oomaar ayaa dadka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay raacaan tilmaamaha ay bixineyso wasaaradda caafimaadka, Allaah-na ay baryaan in uusan dalkeena ka badbaadiyo cudurkaas dunida aafeeyey, isagoo soo jeediyey in aan lagu mashquulin diyaarad ay dowladdu fasaxday iyo mid ay joojisay toona.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalin ka hor dhaqan gelisay go’aan ay ku joojisay duullimaadyadii gudaha dalka, iyadoo horay u dhaqan gelisay go’aan ay ku joojisay duullimaadyadii caalamiga ahaa, waxaase xusid mudan in diyaaradda Ethiopian Airlines oo sida rakaab caadi ah ay markey duunto ka degto magaalada Hargeysa, iyadoo dalka aysan ka shaqeyn wax duullimaad ah, markii laga reebo diyaarado sida dawooyin iyo qalab caafimaad.