Maamulka G/Banaadir oo mamnuucay dabaasha Liido

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir hor leh oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka halista badan ee Corona.

Guddiga maamulka gobolka u qaabilsan ka hortagga cudurkan oo maanta shir yeeshay ayaa amaro culus dul-dhigay shacabka magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Mudane Saalax Xasan Cumar (Saalax Carab) oo kulanka kadib la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in muddo laba todobaad ah la mamnuucay in lagu dabaasho xeeta Liido, sababo la xariira caabuqa Corona.

Sidoo kale afhayeenka ayaa ku celiyey markale in la xiray dhammaan hoteellada iyo maqaayadaha lagu caweeyo ee ku yaalla xeebta.

Saalax Carab ayaa sidoo kale faray saraakiisha hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya in ay si deg-deg ah ku fuliyaan go’aanadaasi, si loo dhaqan-geliyo.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la joojiyo isu-imaatinada dadka, sida shirarka,  xafladaha aroosyada iyo munaasabadaha kale ee la’isugu yimaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u qaaday tallaabooyin looga horatagayo cudurka, iyadoo joojisay dhamaan duulimaadyada, sidoo kalena xirtay xarumaha waxbarashada dalka.