Xaafado Muqdisho ka mid ah oo dhac iyo dil uu ka socdo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaafado ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa aad ugu soo batay dhaca loo geysanayo bulshada ku dhaqan Muqdisho.

Dadka degan degmooyinka Kaaraan, Heliwaa, Yaaqshiid, iyo Madiina ayaa ka cabanaya kooxo wata Mootooyin iyo qaar laguneynaya oo habeen iyo maalin dadka baarta.

Dhalinyaro badan oo isku dayay in ay la cararaan moobeelo laga qaadan rabay ayaa la dhaawacay halka ugu yaraan hal qofna loo dilay arrintaan oo kale.

Dhibaatooyinka ugu daran waxay ka jiraan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid, gaar ahaan Xaafadaha SII SII, MOWLCA SHEEKH CALI CABDULLE, JAMHUURIYA iyo goobo kale.

Raga dhaca geysanaya oo koox koox u socda ayaa qaarkood ku labisan dharka ciidamada booliska iyo milateriga waxayna hada billaabeen in ay ku dhiiradaan in maalintii ay dadka baartaan.

Shacabka ku nool degmooyinkaas ayaa sheegay Saldhigyada degmooyinka oo ay cabashada u gudbiyeen aysan waxba ka qaban cabashadooda waxayna qaarkood ay dhigeen banaanbax ay uga cabanayaan dhibaatada heysata.

Xariir aan la sameynay qaar kamid ah taliyaasha booliska ee degmooyinka aan soo sheegnay ayaa waxay diideen in ay ka hadlaan cabashada dadweynaha waxayna noogu jawaabeen in booliska ay u hadli karto oo kaliya General Zakiya Xuseen Axmed balse waxay qireen in cabashadaasi ay soo gaartay.

Cabsida iyo halista jirta aawgeed xaafadaha qaar ee Muqdisho waxaa hadda guryaha lagu xaroodaa maqribka ka hor maadaama wixii xiligaas ka dambeeyo dhaco badato.