BIIXI oo saxeexay xeerkii Isgaadhsiinta ee looga baxay heshiiskii SOMCABLE

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa saxeexay Xeerkii Isgaadhsiinta ee uu dhowaan goluhu ku buriyey heshiiskii kootada internet-ka ee SOMCABLE.

Xeerka isgaadhsiinta ee wax ka bedelka lagu sameeyay ayaa si rasmiya u dhaqan galaya maadama uu saxeexay Madaxweyne Muuse Biixi.

Golaha wakiilada Somaliland ayaa dhowaan cod aqlabiyad ah wax kaga badalay Xeerka Isgaadhsiinta, kaasi oo gebi ahaanba looga baxay heshiis 25-sanno ahaa oo lala galay shirkada SOMCABLE.

Heshiiskaasi la buriyay ayaa waxa hore u wada galay xukuumadii hore ee Siilaanyo iyo Shirkada SOMCABLE, kaasi oo shirkada kooto ugu xidhayey keenista xariga internet-ka ee Fiber Optic.

Waxaana xiligaasi heshiiskaasi ansixiyey golaha dhowaan codka u qaaday in laga baxo heshiiskaasi oo mudadiisu aysan dhamaan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, heshiiskaasi ay xukuumada Biixi uga baxday SOMCABLE ayaa waxa lagu xalinayaa khilaafkii ka dhex-qarxay Jabuuti iyo Somaliland, kaasi oo salka ku hayey xarig internet oo ay dowladda Jabuuti marineysay badda Berbera.

Dowladda Jabuuti ayaa hadda fursad u heshay inay heshiis cusub la saxeexato Somaliland, maadama la buriyay midkii Kootada ugu xirayay SOMCABLE.

Xeerka Is-gaarsiinta ee goluhu dib u eegista ku sameeyay, waxa uu hadda saamaxaya in shirkad kasta ay gudaha Somaliland keeni karto xariga loo yaqaano Fiber Optic, kaasi oo hore ugu xirnaa hal shirkad.

Heshiiska la buriyay ee kootada Fiber Optic ayaa waxa uu soo if-bixinaya waji cusub oo xukuumada Muuse Biixi ay uga bixi karto heshiisyada sanadaha badan, iyada oo aysan gaarin mudadii lagu heshiiyay.