Gudoomihii Hiiraan oo qiil yaab leh uga hor-yimid xil ka qaasidtii lagu sameeyey

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa kasoo hor jeestay xilka qaadistii uu ku sameeyey madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Guddoomiye Caraale oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xil ka qaadistiisu aysan sharci aheyn, isla markaana uusan xilligaan Madaxweyne Waare awood u laheyn in uu isaga xilka ka qaado.

Sababta uu sidaa u leeyahay ayuu ku sheegay in waqtigiisa xil heynta uu gabaabsi yahay Madaxweynaha, isagoo ku tilmaamay ku sime aan laheyn awood uu xilka uga qaado.

Cali Maxamed Caraale ayaa ku doodaya in dastuurka Hir-Shabeelle uu qorayo in markii uu gaba-gabo marayo waqtiga xil heynta uusan Madaxweynuhu cidna xilka ka qaadi karin.

Sidoo kale guddoomiyahan xilka laga qaaday ayaa sheegay in arrinta ah in Madaxweyne Waare uu xilka ka qaado ay la xariirto loolanka doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle ee soo socota.

“Aragtida aan ka qabo xilka qaadisteyda waxay la mid tahay tan uu qabo guddoomiyaha baarlamaanka Hir-Shabeelle, oo horay uga hadlay, isla markaana cadeeyey in xil ka qaadis aysan sharci aheyn markii lagu dhawaado doorashooinka, oo qofna aan xil loo dhiibi karin qofna aan laga qaadi karin, kullina la wada yahay ku simayaal, arrintaasna waxaa loo sameynaa in qof-na uusan wixii uu rabo isku aa-aadisan. Marka anagoo taas ka duuleyna waxaa noo soo baxday in xil ka qaadistu aysan sharci aheyn ee waxaan leenahay doorashooyinka hala aado” ayuu yiri Cali Maxamed Caraale guddoomiyihii uu xilka ka qaaday madaxweyne Waare.

Guddoomiyihii kan ka horeeyey ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa si weyn uga soo hor jeestay xilka qaadis uu sanadkii hore ku sameeyey Madaxweyne Waare, waxayna xaaladdu ku sigatay gacan ka hadal, iyadoo mudo bil ah ay qaadatay in tanaasul lagu qanciyo Yuusuf Dabageed.

Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa dekreetadii lagu magacaabay lagu faray in xaaladda caafimaad ee dalka awgeed uu sida deg deg ah u soo shaqa galo, waxaana dhamaan xubnaha kale ee maamulka oo uu ugu horeeyo duqa degmada Beledweyne, la farayaa inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.

Cali Jeyte ayaa tan iyo dhamaadkii sanadkii 2016 saddex jeer loo magacaabay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, waxaa hal jeer magacaabay Madaxweynaha hore Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, halka labo jeerna uu magacaanay Madaxweyne Waare.

Si guud tirada guddoomiyaasha uu gobolka Hiiraan u magacaabay Madaxweyne Waare intii uu joogay xaafiiska waxay gaarayaan afar, halka mid  shanaad ugu yimid isagoo guddoomiye ka ah Hiiraan.

Halkan ka dhageyso wareysiga Cali Maxamed Caraale guddoomiyaha kasoo hor jeestay xil ka qaadista