Xog: Halkee ku dambeysay dacwadii Xisbiga Himilo Qaran ay ka gudbiyeen DF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ka heshay xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay is hortaagtay Dacwadii xisbiga Himilo Qaran ka gudbiyeen hay’adda duulista rayidka Soomaaliya.

Dacwada oo la gudbiyay bishii October ee sanadkii hore ayaa ilaa hada taagan iyadoo dhowrkii bil ee la soo dhaafay aysan qabsoomin.

Markii ugu horeysay oo ay Maxkamadu furantay waxay aheyd 18-kii bishii 11-aad ee sanadkii hore waxayna wararku sheegayaan in wixii markaasi ka dambeeyay ay Maxkamada sare dib u dhigeysay guda galka Kiiskaan.

“Waxaa noo muuqata cadaadis la saaray maxkamada sababtoo ah qareenadii aan qabsanay oo aan shaqaale dowladeed aheyn ayaa noola diiday, xataa waa badalnay walina wax socda maleh” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Himilo Qaran.

Mid kamid ah saddexda qareen ee u doodaya Xisbiga Himilo Qaran ayaa shaqada dowladda iska casilay ka hor inta aan kiiskaan la bilaabin, balse waxaa Soomaaliya is casilaadiisa diiday dowladda. Sidoo kale qareeno kale oo ay qabsadeen Himilo Qaran ayaa ilaa hada kiiskii dib loo furin.

Xiriir ay Caasimada Online la sameysay xafiisyo dhowr ah oo ka tirsan dowladda, waa ay diideen inay ka hadlan arrintan.

Saadaalin ay sameeyeen sharci yaqaanada Soomaaliyeed ayaa waxay ku sheegeen in ay u badan tahay in kiiska looga guuleysan doono dowladda, taasi oo dhibaato weyn iyo magac dil ku ah dowladda federaalka Soomaaliya, ayna tahay sababta ugu weyn ee kiiska loo hortaagan yahay.

Himilo Qaran ayaa ka gaabsaday in ay arrintana si cad uga hadlaan balse waxay sheegeen in ay wali dhowrayaan go’aanka Maxkamadda iyagoo dareensan culeeska dhanka dowladda uga imaanaya.

Xubnahaan ayaa rajo ka muujiyay in kiiskaan si cadalaad ah loo qabto hadii ay dhici weysana ay banaanka soo dhigi doonto musuq maasuq iyo madax banaani la’aanta garsoorka Soomaaliya.