25 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

DF oo markii ugu horeysay kiis musuq maasuq ah u xirtay sarkaal sare

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa Xabsi dhigtay Sargaal lagu magacaabo Baakaay oo ka tirsan taliska ciidamada Taraafikada ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

Xariga Sargaalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii uu ku kacay musuq maasuq dhaqaale oo ku aadan lacagaha laga qaado gaadiidka uu ganaaxa ku dhaco.

Xariga Sargaalkan ayaa soo degdegay kadib markii dad shacab ah ay ka gudbiyeen dacwado la xiriira inuu ka qaatay lacao baad ah oo lagu sheegay min $30 doolar, waxaana xusid mudan in boonadii la siiyay loogu qoray lacag dhan 100,000 (Boqol kun) oo Shilin Somali ah.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Somalia oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in dowladu ay ka jawaabtay cabashada uga timid dhanka shacabka laga qaatay lacagaha baada ah.

Sidoo kale, Wasiirka waxa uu sheegay inay socdaan baaritaano lagu hayo Sargaalka, waxa uuna cadeeyay in laga qaadi doono talaabo sharci ah, haddii ay ku cadaato musuq maasuqa.

Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha iyo ciidamada nabad ilaalinta waddooyinka ee loo yaqaan Taraafikada ayaa inta badan lagu eedeeyaa inay jeeb baartan dadka shacabka ah ee wada gaadiidka, waxaana jira lacago laga qaado dadka oo ku dhaca akoonada shaqsiyaad gaara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News