DF oo markii ugu horreysay ku guuleysatay diyaarinta ciidan qalabeysan oo gaaraya…

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud oo xalay marti ku ahaa barnaamijka dood qaran ee ka baxa warbaahinta dowladda ayaa ka waramay waxyaabaha u qabsoomay mudadii sannadka ahayd ee xilka hayeen.

La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa shaaciyay in markii ugu horreysay dowladda ay ku guulaysatay inay diyaariso ciidan qalabaysan oo tiradooda gaareyso 10,000 oo askari.

“Marka loo barbar dhigo diiwaanka waqtiga halka sano dhulka laga xoreeyay, weliba waayadii marka koowaad aan taageero toos ah laga helin ciidamo ajnabi ah, in ay dowladda Soomaaliya, iyada iyo ciidankeeda, iyo shacabkeeda ay dhul aad u ballaaran ka xoreyso, taas oo aad u dhiiri-galineyso dowladihii ajaanibka ahaa ee daneynayay nabadda Soomaaliyeed.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah uu banaanka usoo saaray awooda ciidanka Soomaaliyeed, taasi oo keentay in dowladdaha ajaanibka ah ay ku kalsoonaadan ciidamada Soomaaliya, laguna garabsiiyo dagaalka socda.

“Istaraatijyada dagaalka waxay ka koobneyd lix tiir oo  ugu caansan yihiin in lagala diriro dhaqaalaha, dadka ay khaldeen lagaga nasexeeyo iyo dagaalka militari ee ciidanka dowladda iyo shacabka ku qaadeen.”

Dhinaca kale, La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in horumar ballaaran laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, lana dhamaystiray xeerarka la-dagaalanka kooxaha argagixisadda ah.

Sidoo kale waxa uu xusay in badi qodobadii cuno-qabataynta hubka ee saarneyd Soomaaliya la dhamaystirayo dhamaadka sanadkaan, islamarkaana loo gudbin doono Golaha Ammaanka, si dowladda Soomaliya hub ku filan u soo iibsato.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa rabta inay dhameystirto diyaarinta ciidan ku dhaw 15,000 askari sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka, sida uu kal hore shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Imaaraadka ayaa ah dowladda u weyn ee qorshahan ka taageeraysa dowladda federaalka, ayaga oo dhawaan gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Heshiiskaas ayaa dowladda Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideeda amniga.