DF oo mucaawino kala wareegtay Qatar + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta dowladda Qatar kala wareegay deeq mucaawino ah, taas oo ay guddoontay hay’adda Maareynka Musiibooyinka Soomaaliya, kadib munaasabad ka dhacday dekedda Muqdisho.

Waxaa munaasabadda goobjoog ahaa Safiirka Qatar u Fadhiya Soomaaliya,Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi,Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Masuuliyiin katirsan Qatar Charity iyo Xubno ka socday Maamulka Dekadda ee weyn ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay hay’adda SoDMA ayaa waxaa lagu faah-faahiyay gagaarka ay dowladdu ka heshay Qatar oo kamid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya

“Munaasabadd Kooban oo maanta ka dhacday Dekadda weyn ee Magalaada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle waxa uu dowladda Qatar kala wareegay deeq Gargaar mucaawino ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha SoDMA.

Deeqdan ayaa gaareysay 150-Tan oo Timir ah oo loogu talagalay dadka danta yar ee ku dhaqan gudaha dalka, gaar ahaan deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab.

“Mucaawinadan ayaa gaaraysa 150-Tan oo Timir ah, waxaana loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka dantayar iyo kuwa ku nool deeganadii khawaarijta Al-shabaab laga saaray” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Maxamuud Macallin, guddoomiyaha hay’adda oo madasha ka hadlay ayaa si ballaaran ugu mahad-naqay dowladda Qatar, isaga oo sheegay inay horay sidaan oo kale uga guddoomeen gargaar ay ugu talagaleen shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee taageera Somalia, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo oo ku kacaya malaayiin dollar, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo sida dhismaha waddooyinka, halka kuwa kalena haatan la dhammeystiray.