DF oo Muqdisho kasoo dejisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, oo uu hoggaaminayo Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa si guul leh u suura-gelisay dib usoo celinta 22 muwaadin Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa dalka Suudaan.

Dhalinyaradan ayaa la xiray kafib markii lagu qabtay iyagoo isku dayaya inay socdaal sharci-darro ah sameeyaan. Shaqsiyaadkaasi oo ka kooban 17 wiil dhalinyaro ah iyo 5 hablood dhalinyaro ah, ayaa muddo saddex bilood ah lagu hayay xabsiyada Dongola iyo Gadaref.

Dhamaan 22 qof ayaa maanta si nabad ah ku soo gaaray magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhigeysa guul kale oo muhiim u ah dadaallada joogtada ah ee wasaaradda ku ilaalinayso xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda, islamarkaana lagu la dagaallamayo tahriibinta bani’aadamka.

Sii deynta dhalinyaradan ayaa waxaa door weyn ku laheyd hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawl-gala Portsudan.

Waxaa sidoo kale weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in si dhow loo soo daayo, si ay ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa ka mahad-celisay dadaalka wadajirka ah ee hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, iyadoo xaqiijisay inay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aaddan badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ku jira.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixineysay furdaaminta iyo soo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee naftooda ku biimeeyay tahriibka.