DF oo shir deg deg ah ku qabatay Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta guddoomiyey shir deg-deg ahaa oo heerkiisu sareeyo, kaasi oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlaayey xaalada adag ee ka jirta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kulankaan oo goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa waxaa ka qeyb-galay dhamaan hay’addaha deeqaha bixiya ee dowladaha Islaamka, ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii dadka ku barakacay fatahaada gargaar loo garsiin karo.

Sidoo kale waxaa kulankaan ay dhinacyadu ku lafa-gureen sida la iskugu duwi karo howlaha gargaarka, ee ku aadan xaalada adag ee ka taagan magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha hay’adda ayaa dhamaan masuuliyiinta iyo wakiilada uu la kulmay ee ka socday hay’addahan kaga warbixiyey xaalada magaladaas, madaama uu booqasho dhowr maalin qaadatay uu ku tagay Beledweyne .

SODMA ayaa tudabaadkii hore waxa ay magaalada Muqdisho ka dirtay 50 gaari oo sida shixnad mucaawino ah looguna tala-galay shacabka dhibatada ka soo gaartay fatahaada wabiga Shabelle ka sameeyey gudaha Beledweyne iyo deeganada ku xeeran.

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu barakac horleh ka billowday xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, uuna madaxweynaha HirShabeelle uu dowladda federaalka ugu baaqay inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne.

Si kastaba, Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqdan qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo guud ahaan dhismaha magaaladaas aadka u weyn.