Sawirro: DENI oo qaaday tallaabo cajiib ah ka hor doorashada berri dhaceysa

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xaafadaha degmada Badhan ka sameeyay olole cajiib ah, oo codka ugu raadinayo Urur Siyaasiyadeedkiisa KAAH.

Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntland ayaa baahisay madaxweyne Deni oo sidoo kale ah guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH oo albaabada u garaacaya qaar kamid ah dadka xaafadaha degmadaasi, ee u diiwaan-gashan inay ka qeyb-galaan codbixinta berri ka dhacaysa maamulkaasi.

Saciid Deni ayaa weydiistay bulshada uu la kulmay in ay u codeeyaan urur siyaasadeedka KAAH.

“Waxaa sharaf ii ah inaan qaraacay Albaabada xaafadaha Badhan, si aan dadkeyga u weydiisto codka in ay na siiyaan, oo u codeeyaan Ururka KAAH Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25 May 2023, KAAH waa ururka ay kasoo maaxatay aragtida iyo hirgelinta in awooda Shacabka loo dhoweeyo,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland ahna guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH.

Tallaabadan uu maanta qaaday ayuu madaxweyne Deni ku tilmaamay “guul weyn oo taariikhi ah,” maadaama isaga oo madaxweynihii maamulka ah uu cod ka raadinayo bulshada, uguna tegayo xaafadaha.

“In aniga oo Madaxweynihii ah aan cod ka raadinayo Bulshada, tegayo xaafadaha oo codsanayo cod, waa guulaha ugu weyn ee Shacabku helayo waayo waxay awood u yeesheen in ay wax doortaan, dadkaygow waxaa inaga go’an in aynu wadajir taariikh u sameyno Inshallah (Berito) 25 May 2023.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaynu suntaynaa Taariikh cusub oo soo noolaysay Rajada Shacabka Soomaaliyeed oo dhan, waayo Rajada u weyn ee dalkeenu waa in dadku codeeyo. Guul Inshallah.”

Si kastaba, Puntland ayaa waxaa la filayaa in beri ay ka bilaabato codeynta doorashada qof iyo codka ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka, ayada oo mucaaradka lagu qanciyay in doorashada ku dhacdo si nabdoon, kadibna la isugu yimaado shir guud oo looga tashanayo doorashada madaxweynaha ee 2024-ka.