DF oo mushaarka bishan ka joojisay shaqaalaha dhowr wasaaradood iyo sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijineysa in bishaan mushaarka laga joojiyay ugu yaraan shaqaalaha shan wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Wasaaradaha Gaashaandhigga, Shaqada iyo Shaqaalaha, Warfaafinta iyo kuwa kale si kumeel gaar ah la hakiyay mushaarkii la siin jiray shaqaalaha u shaqeeya, waxaana maalmo ka hor la bixiyay mushaarka shaqaalaha kale ee dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda, Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo guddi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa amray in wasaaradahaas aan mushaarkooda bishaan la siinin ilaa inta uu ka soo baxayo amar kale.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in wasaaradahaan mushaarka laga joojiyay lagu tuhmayo inuu ka jiro musuq maasuq xoog leh.

Waxaa sidoo kale xogtu sheegaysaa in tobaneeyo qof oo aan dalka ku sugneen iyo kuwa aanan shaqeynin ay bil walba si joogto ah u qaataan mushaarkooda, waana sababta keentay in laga hakiyo mushaarkii ay xaqa u lahaayeen shaqaale kale oo ka tirsan wasaaradahaasi.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay dhowr jeer in ay la dagaalameyso musuq maasuqa waxaana mudadaas lagu guuleestay in liiska shaqaalaha laga saaro boqolaal qof oo maqan, bil walbana ay usoo dhici jirtay mushaarkooda iyo sidoo kale magacyo been abuur ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com