DF oo qaaday tallaabo culus kadib arrintii ay sameysay SOMALILAND ee hawada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo culus, kadib markii ay Somaliland khal-khal gelisay diyaarado marayay hawada dalka.

Soomaaliya ayaa hadda wax ka beddeshay habka isgaarsiinta ee lagula xiriiro diyaaradaha maraya hawada, gaar ahaan Somaliland, sida ay shaacisay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Marwo Fardowso Cigaal.

Marwo Fardowso ayaa sheegtay inay tallaabadan u qaadeen sababo la xiriira hubinta bad-qabka hawada, ayada oo xustay in meel kale aan amar laga siin karin diyaaradaha, islamarkaana ay awood buuxda u leeyihiin maamulka hawada ee dalkeenna.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa hadda ka guurtay isgaarsiintii hore ee ay haysato Somaliland, taasi oo dhowr mar u suurta-galisay inay xiriir la sameyso diyaaradaha hawada ku jira.

“Waxaa jira Mitigation Step wax la yiraahdo oo illaa 4-3-5, haddaba inta aad adiga gaarsiin karto oo maalinba tallaabo gaar ah aad qaado, tallabadii ugu horeysay oo aan qaadnay waxay ahayd nootamyadii la diray iyo communication-kii,” ayey tiri wasiiradda.

Sidoo kale waxay intaasi kusii dartay “Mobiladii niiclaha oo ay haysteen kii ka horumarsanaa (advanced) aan u guurnay, adduunkana u sheegnay ku niri nidaamkaas ayaa u guurnay, diyaaradahana u sheegnay in aysan dhageysan oo ay inagu si toos ah inoola soo hadlaan.”

Maalmo kahor ayey aheyd markii khatar shil diyaaradeed ay ka dhacday hawada Soomaaliya, ka gadaal markii isku cabir lagu hagay oo amarro khaldan la siiyey diyaarado ay lahaayeen shirkadaha Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.

Labadaas diyaaradood oo rakaab sida ayaa ka soo kala duulay magaalooyinka Addis Ababa iyo Doha, waxayna u kala socdeen Kampala, Uganda iyo Dubai, Imaaraadka, waxayna khatartaas ku galeen hawada gobollada waqooyi.

Sida ay horey u baahisay Caasimada Online, labadaas diyaaradood oo ku kala socday labo qad ayaa la isku hagay, waxaana la isugu keenay hal qad si ay isugu dhacaan, balse waxay ku kala badbaadeen daqiiqado aad u yar.

Amarka qaldan ee khatarta geliyey diyaaradahaas waxaa naloo sheegay in laga siiyey Hargeysa, balse diyaaradaha ayaa bixiyey digniinaha khatarta muujiya, waxayna labada duuliye ku guuleysteen inay kala badbaadiyaan diyaaradaha rakaabka badan siday.