DF oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta amniga Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan qaaday tallaabo culus oo la xiriirta amniga magaalada Muqdisho, si looga hortego dhibaatooyinka soo kordhay ee dilalka, qaraxyada iyo dhaca ay gaysanayaan kooxaha burcadda ah.

Ciidamada ayaa la arkayay iyaga oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada waddooyinka, kuwaas oo lagu hubinayo gaadiid, sidoo kale waxa ay sameeyeen howlgallo rag kala duwan lagu soo qabtay.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay inuu qaaday tallaabo lagu xoojinayo baraha koontarool ee ciidamada, si loo sii kordhiyo howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda gudaha caasimada iyo hareeraheeda.

“Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo muhiimad siinaaya sugidda amniga magaalada Muqdisho ayaa xoojiyey baraha Kontorolada ee ku yaala hareeraheeda magaalada Moqdisho Si loo adkeeyo amniga Caasimada” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale waxaa kormeer la xiriira amniga sameeyay taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) oo isna booqday fadhiyada ciidanka booliska, isaga oo u kuurgalaya shaqooyinka ay hayaan ciidamada.

Macallin Mahdi ayaa ciidamada kula dardaarmay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah si looga adkaado kooxaha Khawaarijta ee dhibaateynaaya shacabka magaalada Muqdisho.

Muqdsho ayaa waxaa horay ay dowladda uga sameysay qorshe guuleystay oo ahaa sameynta ciidanka Boolis Milataaro oo xasiliyay amniga caasimada, maadaama muddo laga nastay weeraradii iyo qaraxyada joogtada ahaa ee ay Shabaab ka gaysan jirtay caasimada.