DF oo qiratay arrin ay in badan diidanayed kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Baari ayaa markii u horeysay qiray in dowladda Soomaaliya uu hareeyay musuq-maasuq baahsan, islamarkaana ay tahay mid sax ah warbixintii ay kaalinta hore ka gashay ee wax isdaba-marinta.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu ugu baaqay guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa inay xiligaan xooga saaran oo si gaar ah isha ugu hayaan musuq-maasuqa ka jira arrimaha doorashooyinka.

Maxamed Baari ayaa soo jeediyay in guddiga uu baaris ku sameeyo qarashaadka ay musharaxiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ku bixiyaan doorashada, xili dhawaan ay soo baxeysay in guddiga doorashooyinka si gaar ah loo afgarto.

Sidoo kale waxa uu dalbaday in dhamaan hay’adaha dowladda si dhow ula shaqeeyan gudigaas, isagoona sheegay saameynta uu musuqa ku leeyahay dalka ay tahay mid la dareemi karo.

Hadalkan ayaa imanaya un maalmo kadib markii ay shaacisay hay’adda Transparency International in markale Soomaaliya ay kaalinta ugu hooseysa ka gashay wadamada ugu musuq-maasuqa badan, marka la eego caalamka oo dhan.

Hay’adda Transparency ayaa shaaca ka qaaday qiimeyn cusub oo ay sameysay, waxaana Soomaaliya ay gashay kaalinta koowaad ee dalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka.

Soomaaliya ayaa ka hoos martay qiimeyntii la sameeyey 2019-kii xilligaas oo ay ku jirtay 9-aad, hadase waxa ay noqotay 1-aad, sida ay shaacisay Transparency International.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu shaaciyey wadamada kale ee galay safka hore liiska ugu hooseeya, waxaana ka mid ah South Sudan, Sudan, Equatorial Guinea & Guinea-Bissau.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii