27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

DF Soomaaliya oo qorshaynaysa maamul cusub oo laga dhisayo gudaha Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in maamul cusub laga hirgeliyo gobolka Awdal, kaas oo si toos ah u hoos imanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qorshahan ayaa loo arkaa mid saameyn siyaasadeed iyo mid amni ku yeelan kara Somaliland, oo hore looga sameeyay Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlayay magaalada Laascaanood ayaa xaqiijiyay in qorshuhu weli socdo, isla markaana ay ku lug leeyihiin dhinacyo kala duwan.

Inkastoo qorshahan uu wajahayo diidmo iyo walaac ay muujiyeen qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, kuwaas oo ka cabsi qaba cawaaqib amni iyo siyaasadeed oo ka dhalan kara, haddana Dowladda Federaalka ayaa u aragta muhiimad gaar ah in maamulka Somaliland laga sameeyo maamullo toos ugu xiran dowladda dhexe.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha maamulka Awdal loo mari doono hannaan la mid ah kii hore loogu dhisay qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka, oo ugu dambeeyay maamulka Waqooyi Bari.

Dhanka kale, magaalada Saylac ayaa noqotay bartamaha is-qabqabsiga, maadaama ay tahay goob istaraatiiji ah oo ay ku loollamayaan dalal danaynaya saameynta Khaliijka Cadmeed.

Wararku waxay tilmaamayaan in dalal badan ay doonayaan inay halkaas ka helaan door istaraatiiji ah, taas oo sii kordhinaysa xiisadda iyo cadaadiska ka taagan gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysatay in magaalada Laascaanood laga dhiso maamulka Waqooyi Bari, kaasi oo soo afmeeray joogitaankii Somaliland ee gobolka Sool.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa ka soo farcamay maamulka KMG ahaa ee SSC-Khaatumo oo la sameeyay bishii August 2023, iyada oo muddadaas labada sano ahayd la qabtay wadatashiyo, shirar ballaaran iyo qorista dastuur ku-meel-gaar ah, taas oo ugu dambeyntii dhashay maamul goboleed rasmi ah.

Maamulkan ayaa waxaa haatan hoggaamiya Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari. Ninkan oo maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarnimada ayaa si weyn ugu xiran dowladda dhexe.

Hoggaamiyahan oo hadda ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa waxaa gadaal ka riixaysay Villa Somalia oo galaangal xooggan ku laheyd doorashadii hoggaanka Waqooyi Bari, waxaana haatan lagu caleemo saaraya magaalada Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa hadda ku sugan wafuud kala duwan oo ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada dalka, kuwaas oo ka qeyb-galaya caleemo-saarka madaxweynaha Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Firdhiye.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sidoo kale ka qeyb-galaya munaasabadda caleemo-saarka, iyadoo socdaalkooda kusoo aadayo xilli ay si weyn iskugu dhacsan yihiin dowladda federaalka iyo Somaliland, sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Hargeysa.

- Advertisement -

Read more

Local News