DF oo qorsheyeneysa inay Waare mariso wadadii Xaaf

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay uga dhaadhicineyso madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare inuu masuuliyadda ka saaran howsha maamul dhisidda ku wareejiyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Sida la fahamsan yahay qorshahaan ayaa aad isu soo tarayay maalmahii lasoo dhaafay, waxaana lagu soo warramayaa iney jireen kulamo arinkaas ku saabsan oo qabsoomay inkastoo aysan wali jirin wax la isla meel dhigay.

Qorshaha Dowladda uu majaraha u haayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxey tahay iney door la taaban karo ku yeeshaan maamul u dhisidda HirShabelle marka ay kasoo dhamaadaan middda Galmudug oo hadda mareysa marxaladahii ugu dambeeyay.

Dowladda oo adeegsaneysa xubnaha muxaafadka ah ee ka tirsan Wasiiro iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada HirShabelle ayaa wax ka wad howsha, guul laga gaaro arintaan ayaa sababi karta sida la sheegayo in bartamaha sanadkaan la bilaabo howsha maamul u dhisidda HirShablle.

Ujeedada ay dowladda leedahay waxey tahay in Musharax taageersan siyaasadooda ay u helaan xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabelle, waxeyna awood dheeri ah siin kartaa doorashada la filayo iney qabsoonto 2021.

Muddo xileedka dowladda Hirshabelle waxaa ka dhiman kaliya 8 bilood, waxaana la filayaa in lagu heshiiyo dhawaan wakhtiga rasmiga ah ee la shaacin doono heshiiska.

Qorshahaan waa midkii ay dowladda u adeegsatay Madaxweyne Xaaf baratmahii sanadkii 2019, balse dhawaan ayey aheyd markii uu ka laabtay heshiiskii la wada gaaray.

Ugu dambeyntii Dowladda ayaa ka shaqeyneysa iney dowlad goboleedyada ka hesho taageero buuxda xilli uu muddo xileedkeeda ka haray kaliya 12-bilood ah, waxaana xusid mudan in xildhibaanada labada aqal ee dowladda laga soo dooran doono maamul goboleedyada.