DF oo shaaca ka qaadday cidda bixineysa dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadashay halka ay ka imaanayaan dhaqaalaha doorashooyinka, oo lagu qabanayo doorashooyinka dhawaan heshiiska looga gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in dhaqaalaha doorashada uu ka imaan doono dowladda federaalka, musharaxiinta iyo beesha caalamka, oo kaalinta u weyn ka qaadaneysa bixinta dhaqaalahaas.

“Doorasho waa arrin aad u kharash badan, sida aan filayo hadda ilaa 15.5-Milyan ayay ku kici doonta doorashada qiyaastii, qaar waxay ka imaan doonta is-diiwaan-gelinta musharaxiinta, qaar waxaa kabi doonto dowladda, waxaa weli banaanan doona gaab ay ka qeyb-qaadan doonto beesha caalamka oo lagu casuumi doono,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in la helo dhaqaalaha doorashada, maadama socod-siinteeda ay ku baxeyso dhaqaale badan oo uu ku sheegay qiyaastii lacag kor u dhaafeysa 15-Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Beesha caalamka oo la rumeysan yahay inay bixineyso dhaqaalaha ugu badan ee ku baxaya doorashada, ayaa billooyinka soo socda dowladda soo gaarsiin doonta, xili heshiis rasmi ah laga gaaray khilaafkii mudada dheer taagna ee doorashooyinka.

Dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda ayaa saxiixay heshiis dhigaya in doorashada lagu qabto wax aan ka badneyn labo bilood, wuxuuna dalka u jiheystay dhankaa iyo doorasho, kadib xaalad hubanti la’aan ah oo uu galay dalku.