26.6 C
Mogadishu
Thursday, December 4, 2025

Dadka kasoo cararaya Al-Shabaab oo kusoo badanaya Muqdisho + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa soo gaaray qoysas horleh oo kasoo cararay deegaannada ay maamulaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, halkaas oo ay ka jiraan dhibaatooyin adag oo dhanka nolosha ah iyo kuwa kale oo ay kooxda ku hayso dadka ku hoos nool.

Saldhigga degmada Hodan oo aan booqanay ayaa waxaa halkaas ugu tegnay qaar kamid ah dadka dhibanayaasha ah ee kasoo hayaamay deegaannada ay joogaan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo naftooda lasoo baxsaday, waxayna soo aadeen dhanka dowladda, si ay u helaan amni buuxa oo ay ku noolaadaan.

Dadka halkan soo gaaray waxaa kamid ah Muna Sharif Ali oo aan ku wareysanay gudaha saldhigga, waxa ay nala wadaagtay qisadeeda iyo sababta ku kaliftay inay soo gaarto Muqdisho.

Muna ayaa marka hore innoo sheegtay inay kasoo baxsatay tuulada Habaraawe oo kamid ah deegaannada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay illaa iyo hadda gacanta ku hayaan dagaalyahannada hubeysan ee kasoo horjeedo Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in jirdil xooggan loo gaystay, sidoo Kalena la xiray, balse markii dambe ay u suuragashay inay ka baxsato xabsiga, sidaasna ay kusoo gaartay magaalada Muqdisho.

Dhibane Muna Sharif Ali ayaan waydiinay sababta loo beegsanayo iyo dambiga ay u haystaan Al-Shabaab, waxaana ay tilmaamtay in walaalkeed ka yar Bilal Sharif Ali ay xoog u kaxeysteen kadibna ay ku dareen ragga u dagaalama, balse muddo kadib uu kasoo fakaday, iyadana ay usoo dirtay magaalada Muqdisho, maadaama ay ka weyneyd. Balse nasiib xumo kooxda ayaa ogaatay in cidda fakisay Bilal ay tahay walaashiis Muna, kadibna si xun ayaa loo ciqaabay, iyada oo loo sii gudbiyay xabsi dumar ah oo ay laheyd kooxdu.

“Runtii waxaan soo maray maalmo adag, waxaana lasoo baxsaday nafteyda, saldhigga hadda waxaan u joogaa inaan ku badbaado, maxaa yeelay anigu waxaa ku xukumanahay toogasho oo haddii ay i qabtaan nimankaas ma badbaadayo, marka dowladda iyo cid kasta oo wax ii qaban karta ayaan maanta ka codsanayaa inay isoo gurmato.” ayay wareysiga ku tiri Muna oo ay ka muuqato cabsi iyo argagax wayn.

Arrinta kale ee murugada le ah ayaa ah in marka ay timid caasimada lagu soo weeraray hoygii ay degtay, xilli uu la joogay walaalkeed oo uga soo horreeyay, kaas oo goobta ku dhintay, waxaana sidoo kale ujeedka uu ahaa in iyadana la khaarijiyo, balse waa ay ka badbaaday weerarka.

Muna Sharif Ali waa hooyo wajaheysa xaalad halis ah oo go’doon ah, isla markaana waxay meel cidlo uga soo carartay carruurteeda iyo waalidiinteeda, illaa iyo haddana ma helin cid u gurmata.

Kaliya Muna ma’aha cidda dhiban ee saldhigga waxaa haatan ku sugan dad kale oo kasoo cararay kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-qaacidda, waxaana dhammaantood ay wajahayaan halis amni, waxayna soo maciin bideen dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dhibaatada ay kooxda ku hayso shacabka iyo sidoo kale xubnaha ay xoogga ku askareeyeen ee doonaya inay isaga soo baxaan, waxayna sheegtay in arrin murugo leh ay kula kacday, kadib markii ay xasuuq wadareed u gaysatay dhalinyaro baxsad ah oo kasoo cararaya kooxaha argagixisada.

Qof kasta oo doonaya inuu kasoo goosta kooxaha Khawaarijta ama looga shakiyo inuu baxsan rabo ayaa si daran loo ciqaabaa, xittaa mararka qaar waxaa lagu toogtaa goob fakaare ah, iyaga oo ku eedeynayo inuu la xiriiray dowladda, uuna yahay “Basaas” sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Si kastaba, dhalinyaro badan oo kasoo tegay deegaannada Al-Shabaab ayaa wareysiyo laga qaaday ku sheegay inay naftooda kala soo carareen kooxda, ayna halis badan usoo mareen inay soo gaareen dhanka dowladda, waxaana taasi kamid ah dhibaatada ay haatan wajahayaan Muna Sharif Ali iyo qoyskeeda, maadaama loo beegsanayo walaalkeed Bilal dartiis oo ay kasoo fakisay kooxda, kaas oo ay ugu dambeyn uga daba yimaadeen Muqdisho, kuna dileen weerar gaadmo ah oo ay weli dhibane u tahay Muna.

- Advertisement -

Read more

Local News