Maxaa ka jira in Ismaaciil Cumar Geelle neceb yahay siyaasiyiinta beesha Daarood?

Toddobaadkan waxaa si weyn baraha bulshada iyo goobaha ay bulshada Soomaaliyeed isugu timaado sheekadiisu ka socotaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Hadal-haynta Ismaaciil Cumar Geelle ee maalmahan xoogeysatay waxa ay ku saabsan yihiin laba arrimood.

1- Doorkii uu ku lahaa dowlad-dhiska Soomaaliya 22-kii sano ee la soo dhaafay

2- Xifaaltan kala dhexeeya beesha Daarood, sheekadaas oo ay dadka qaar gaarsiiyeen heer NACAYB AH!

Hadaba, si aynu wax badan uga ogaanno waxa ay salka ku hayyaan doodahaas, waxaanu warbixintan ku faaqidi doonnaa labadaas qodob.

Doorkii Geelle ee Dowlad-Dhiska Soomaaliya

La’iskuma khilaafsana in Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle uu kaalin weyn ka qaatay dib-u soo yegleelidda Dowladnimada Soomaaliya. 

Walow inta badan mudnaanta la siiyo Dowladda iyo Shacabka walaalaha ah ee Jabuuti, maadaama qaar ka mid ah hayaankii nabadeynta iyo dowlad-dhiska uu soo bilaabay Madaxweynihii hore ee Jabuuti, Xasan Guuleed Abtidoon, hadana, Jamhuuriradda saddexaad ee Soomaaliya, waxaa dhidhibadda loo aasay bilowgii xukunka Ismaaciil Cumar Geelle.

Geelle iyo xifaaltanka kala dhexeeya Beesha Daarood 

Waxaa si weyn u faaftay aragtida ah in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle xifaaltan kala dhexeeyo beesha Daarood, gaar ahaan siyaasiyiintooda.

Dooddan waxa ay aad caan uga tahay goobaha fadhi-ku diririka ee lagu shiilo siyaasadaha beesha Daarood.

HADABA, MAXAY SALKA KU HAYAAN DOODAHAAS?

Waxaan si qoto dheer ugu kuurgalay doodahaas, waxyaabaha aan ogaanana waxaa ka mid ah in dadka aragtidaas iibiya ay aaminsan yihiin in nidaamka 4.5 ee ay ku dhisan tahay dowladnimada Soomaaliya uu hirgaliyey Ismaaciil Cumar Geelle.

Nidaamkan 4.5 oo lagu salleeyey hab-qeybsiga siyaasadda ee Soomaaliya, waxaa markii hore aragtidiisa lahaa Cabdullaahi Yuusuf iyo siyaasiin kale oo uu ka mid ahaa Aadan Gabyow, kuwaas oo ku soo jeediyey shirkii Soodare, Itoobiya in loogu qeybiyo ergooyinka Soomaalida.

Hase ahaatee, waxaa si buuxda loogu hirgaliyey shirkii Carta, taasi waxa ay keentay in beelaha qaar, sida Daarood u arkaan in lagu yareenayo saameyntooda siyaasadeed.

Buuq ka dhashay darteedna, Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ergooyin dheeraad ah ugu daray beesha Daarood.

Doodda ah in Ismaaciil Cumar Geelle yoolkiisu ahaa wiiqidda fursadaha Daaarood ku hoggaamin karo Soomaaliya waxaa xoojinaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf Axmed oo buuggiisa – Halgan iyo Hagardaamo ku qoray warbixin sidaas oo kala ah.

Boggaga 269-aad iyo 270-aad, Cabdullaahi Yusuf waxa uu uga faaloonayaa sheeko dhex-martay isaga iyo Ismaaciil Cumar Geelle.

Xilligaas waxaa socday shirkii Carta, Cabdullaahi Yusuf oo Madaxweyne ka ahaa Puntland iyo hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho kala haystay laguma casumin Jabuuti, shirka waxa uu gaar u ahaa Aqoonyahanada, Ururuada Bulshada Rayyidka ah iyo Odayaasha Dhaqanka.

Sidaas daraadeed, Cabdullaahi Yusuf waxa uu sheegay in uu booqasho ugu tagay Ismaaciil Cumar Geelle si uu wax uga soo ogaado sida shirka u socdo iyo sababaha looga tagay dadka ay talada ka go’doy, kuwaas  oo uu ula jeedo kooxihii hubeysnaa ee uu isagu ka mid ahaa.

Waxa uu intaas raaciyey in uu weydiiyey Ismaaciil Cumar Geelle sida uu u qeybiyey ergooyinka, kuwaas oo uu sidan ugu sheegay.

Gobolka Benadir, waxa uu siiyey 30 degmo oo ay ka imaanayaan min saddex ergo (Laba rag ah iyo hal dumar). Isu darkana waa 90 ergo.

Hargeysa 10 degmo oo mid saddex qof ah (Laba rag ah iyo hal dumar ah) isku darkuna waa 30 eryo. Baydhabo 5 degmo (Laba rag ah iyo hal dumar) 15 ergo.

Kismaayo iyo Boosaasana- min hal degmo oo ay ka iimanayaan min saddex ergo- taas oo ka dhigan in isku darkoodu in ay tahay 6 ergo.

Cabdullahi Yusuf waxa uu sheegay in uu weydiiyey Ismaaciil Cumar Geelle sababta uu degmooyinka qaar ugu yareeyey ergooyinka, sida in dadku ku yar yihiin iyo in aysan ahmiyad lahayn?

Cabdullaahi waxa uu sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle ku jawaabay in Daarood hore dalka u dhacay oo ay degmooyin badan sameysteen, hadanna uusan diyaar u ahayn in uu siiyo degmooyin kale.

IRIRNIMO

Doodaha dadka qaar ee ku saabsan in Madaxweynaha Jabuuti si gaar ah u riixo Daarood waxa loo cuskadaa dood tilmaanta in Ismaaciil xoojiyo aragtida Irirnimada, taas oo si siyaasiyan ah isugu tosha Beelaha Hawiye iyo Dir.

Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle

Doodda Daarood ee ka dhanka ah Ismaaciil Cumar Geelle waxa ay markale soo laba kac-leysay xilligii uu dalka Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xiriirka labada hoggaamiye oo aad u xumaaday darteed, waxaa la iibiyey in ay haddana salka ku hayso dagaalka uu Geelle ku hayey siyaasiyiinta Daarood, taas oo jirta, waxaa hadana soo baxay sida fiican ee ay isula jaanqaadeyn, Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadaba, maxaa ka jira doodahaas?

Si aan u ogaanno run ahaansha iyo sida ay waaqici u noqon karaan aragtiyahaas, waxaan eegeynayaa dhawrka qodob ee naaxiyey sheekada.

Nidaamka 4.5

Sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah siyaasiyiin Daarood ah oo waayo jooog ahaa, waxa ay tibaaxeen in arrinta 4.5 ahayd aragti markii hore ka timi siyaasiyiinta Soomaaliya, in Carta lagu saxiixanaya Soomaalidu ku heshiisay oo aysan ahayn xisaab uu si gaar ah u watay Ismaaciil Cumar Geelle.

Siyaasiyiinta nala hadlay waxa ay hoosta ka xarriiqeen in aragtidaas ay iibiyeen siyaasiyiin lahaa damac siyaasadeed.

Tusaale, Cabdullaahi Yusuf waxa uu qeyb ka ahaa hoggaamiyeyaashii hubeysnaa ee loo diiday ka qeybgalka shirkii Carta. Haddii ay jirto shirqool ka dhan ahaa Daarood-na, waxaa gudoomiyinii Ergooyinka shirka waxaa ahaa Xasan Abshir Faarax oo Daarood ahaa, waxaa Ra’iisul Wasaare loo doortay Cali Khaliif Galaydh, waxaa shirka joogay Maxamed Abshir Hammaan, Faroole iyo inta badan Isimada Daarood.

IRIRNIMADA

Dhinaca kale, fallanqeeyeyaaasha aynu su’aashan hor-dhignay waxa ay noo sheegeen in arrinta IRIRNIMADA ay ka horreysay Ismaaciil Cumar Geelle iyo Jabuuti oo dhan.

Sida inta badan sheekooyinka qabiilka loogu awr-kacsado, hadana, Irirnimadu ma aha wax loogu daneeyo qabiil gaar ah, lagu dhibaateeyo kuwo kale, waa erey soo shaac-baxay lixdameeyadii oo ahaa is-gaanshaanbuursi siyaasadeed! Xilligaas Jabuuti Xor ma ahayn, Ismaaciil-na wiil yar ayuu ahaa oo aa siyaasadba aqoon! 

Farmaajo iyo Geelle!

Gorfeeyeyaashu waxa ay sidoo kale ganafka ku dhufteen in khilaafkii Farmaajo iyo Geelle salka ku haysay colaad uu Madaxweynaha Jabuuti u hayo siyaasiyiina Daarood! Waxa ay tilmaameen in khilaafkoodu bilowday markii la sameeyey Golihii Iskaashiga Geeska ee ay ku mideysnaayeen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea! Taas waxa ay keentay in Walaalaha Jabuuti dareemeen fogeyn iyo in lagala saftay dal ay collaadi ka dhexeyso!

Fallanqeeyeyaashu waxa ay gebi’ahaanba meesha ka saareen sheekada ah in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle neceb yahay Daarood, waxa ayna intooda badan isku raaciyeen in Geelle yahay oday Soomaaliyeed, wax bandanna ka shaqeeyey maslaxada iyo jiritaanka qarannimada Soomaaliyeed.

Qormadan oo muuqaal ah hoos ka daawo

W/Q: Mohamed Musa Aden (Mohamed Kaafi)
Muhamedkaafi@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.