Mooshin la horgeeyey BF oo dib u dhacay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ayaa maanta xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa kooram la’aan u baaqday, kaas oo sababay in lasoo xiro kulanka, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiye ku xigeenka oo metalayey guddoonka sare ee Golaha ayaa sheegay in kaliya ay soo xaadireen illaa 78 xildhibaan, sidaas aawgeedna uusan furmi karin kulanka guud.

“78 xildhibaan ayaa joogto, kooramkana wuxuu ku furmayaa Baarlamaanka 139 xildhibaan, annaga oo og dhibaatooyinka ka jira dhinaca baaritaanka iyo amniga haddane xildhibaanka waa imaan lahaa haddii aan isku dayno inaan xilli hore imaano,” ayuu yiri ku xigeenku.

Abshirow ayaa nasiib darro ku tilmaamay baaqashada kulankan, isaga oo shaaciyay in laga doodi ahaa sharciyo muhiim ah iyo Mooshin lasoo gaarsiiyay guddoonka, walow uusan carab baabin ujeedada iyo waxa uu salka ku hayo Mooshinkaasi oo hadda dib loo dhigay.

“Maanta waxaa noogu jiray sharciyo iyo inaan mooshin ka doodno oo ku saabsanaa qodobkii aad aragteen ee lasoo diray ,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey ku xigeenka labaad.

Sidoo kale wuxuu intaasi kadib soo xiray kulankii maanta ee Golaha Shacabka, wuxuuna sheegay in dib la’isugu soo laaban doono maalinta Isniinta ah ee soo socota.

“Sida uu sharciga qabo marka kooramka waa noo buuxsami waayey shirkeena waan xiraneynaa, laakiin maalinta Isniinta ah ayada oo doodo ay jiraan haddane inaan maqnaano aad ayey xun tahay” ayuu markale yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka.

Dhinaca kale xildhibaanada qaar ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Mooshinkaas ay ka wadaan xildhibaan Sacdiya oo ay ku eedeeyeen inay ku xadgubtay Diinta Islaamka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay ka doodayey xaaladda amniga ee dalka, kadib markii 22 xildhibaan ay Mooshin ka keeneen amniga liito ee caasimada.