DF oo fashilisay qorshe ay Al-Shabaab la damacsanaayeen degmada Aadan Yabaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la fashiliyay qorshe ay damacsanaayeen xubno Shabaab ah oo isku aruursanayay deegaan hoostaga degmada Aadan Yabaal.

Xubnaha Al-Shabaabka ah ayaa rabay inay weerar kusoo qaadan degmada Aadan Yabaal oo dhawaan ay ciidamada huwanta la wareegeen gacan ku haynteeda

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa howl-gal qorsheeysan ku dilay 14 xubnood oo isugu  jiray madax iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo qeyb ka ahaa qorshaha la fashiliyay.

Howl-galkaasi ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Dhabaq-libeey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Xubnaha la dilay ayaa waxaa laga war helay xili ay ku jireen is aruursi ay kusoo weerari rabeen degmada Aadan Yabaal,” ayuu yiri Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Lagama yaabo in Khawaarijtu dib ugu soo laabato dhulkii aan ka xoreynay, deegaanada dhimana waan gaareynaa.”

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa howl-galada dagaal ee socda uga saaray Al-Shabaab magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe.