Wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo billaabanaya iyo ciidamo horleh oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shaacisay in la bilaabayo wejiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo lagaga xoreynayo guud ahaan dalka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in uu socdo qorshaha xiga ee ciidamada, oo ay tahay in Al-Shabaab lagu weeraro dhulka ay maamusho.

“Aadan Yabaal waa degmo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, howl-galka Shabaab-na waa qorshe laga leeyahay in dhamaan laga saaro dalka Soomaaliyeed, oo ay gobolo badan ka joogaan,” ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamo badan oo keyd ah ay ku diyaarsan yihiin magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidamada Keydka ah ee uu sheegay afhayeenka ayaa waxa loogu tala-galay gurmad iyo taakuleyn.

Howl-galka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano badan oo sanado dhowr ah gacantooda ku jiray.

Al-Shabaab ayaa hadda dhowr deegaan oo kooban kaliya kaga haray maamul goboleedka HirShabelle, oo ah maamulkii ugu horeeyay ee deegaanadiisa uu ka bilowday kacdoonka dagaal, waxaana wararka ay sheegayaan in laga wada xoreyn doono toddobaadyo gudahood.

Al-Shabaab ayaa maalmo kahor laga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka, waxaana ay gobolkaas hadda kaga hareen oo kaliya Ruun-Nirgood.