R/Wasaare Xamza oo baaqii u dambeeyay u diray dagaal-yahaannada Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Adduunka ayaa baaq u direy dhalinyarada weli ka barbar dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.

Xamza ayaa dhallinyaradaasi ugu baaqay in dadkooda ay dib ugu soo laabtaan, kana toobad keenaan ficilladooda khaldan inta ay weli fursadda haystaan, xili uu socdo dagaal si weyn loogu jabiyay Al-Shabaab.

“Dagaalka socda waa mid lagu raadinayo xaquuqda aadanaha, maadaama ay khawaarijtu ka hor istaageen dadka Soomaaliyeed xuquuqdii ay lahaayeen, una diidan yihiin nolosha,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha bogaadiyay Xildhibaannada iyo xubnaha ka tirsan xukuumadda ee u taagan furinta dagaalka ciribtirka argagixisada.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqul insaanka, isaga oo tilmaamay in shareecada Islaamka iyo xeerarka dalka u yaalla ay meel cad iska taageen xad-gudubyada ka dhanka ah dumarka iyo dadka nugul.

“Waa in aan qiil loo raadin cid walba oo ku xad-gudubta xuquuqul insaanka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka ayaa sanad kasta loo dabaal-degaa 10-ka December, taas oo ku aadden markii Golaha loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, sanadkii 1948-dii.

Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Wasiiro,ururrada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.