Guudlaawe iyo Dabageed oo gaaray MOQOKORI, kuna dhowaaqay arrin deg deg ah

Moqokori (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay

Madaxweynaha iyo wafdiisa oo socdaal dhulka uga soo ambabaxay degmada Aadan Yabaal ayaa soo maray deegaanada Mubaax iyo Ceel-qooxle oo kamid ah deegaanadii dhawaan la xoreeyay, waxaana boqolaal dadweyne ah ay kusoo dhaweeyeen bartamaha Moqokori.

Guudlaawe ayaa xusay in maanta wixii ka dambeeya Moqokari ay kamid tahay degmooyinka HirShabelle, isagoo furay Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dowladda Hirshabeelle in deg deg uu kusoo magacaabo maamulkeeda oo dhameystiran.

Sidoo kale waxa uu amray madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle in Moqokori sida ugu dhaqsaha badan looga fuliyo mashaariicda ay xaqa u leedahay degmada.

“Dowladdu waxay ka shaqeyn doonto horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo hagaajinta ceelasha waxa uuna bulshada degmadaan ugu baaqay inay usoo baxaan ciribtirka kooxda khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu yiri madaxweyne Guudlaawe.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyay bulshada Moqokori sida diiran ee usoo dhaweeyeen, isagoo bogaadiyay bulshada deegaankaasi iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada oo khawaarijta cadowga ah ka xoreeyay degmada.