Daawo: DF oo ka jawaabtay baahi daran oo ka jirtay degmada Aadan-yabaal

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Degmada Aadan-Yabaal oo soo martay seddax maalmood oo biyo la’aan daran ah, kadib markii ay Al-Shabaab horay u qaateen matooradii ceelasha biyaha ayaa hadda waxaa laga helayaa warbixino ku saabsan nolosha dadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dib u soo kicisay ceelashii biyaha ee degmadaas, sida ay tebisay warbaahinta dowladda.

Ugu yaraan seddax maalmood ayey dadka reer Aadan-yabaal biyo la’aan ahaayeen, kadib markii ay Al-Shabaab ku tala galeen inay oon u laayaan dadka iyo duunyada degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Aadan-yabaal Maxamuud Sheekh Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in deg deg ay dowladu u dayac-tir ugu sameysay ugu yaraan laba ceel-biyood oo degmadaan looga noolaa, kuwaas oo matooradii iyo qalabkii kale ee biyaha looga soo saari jiray ay Al-Shabaab horay u qaateen.

Madaxeynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 5-tii bishaan amray in deg deg loo dayactiro ceelashii biyaha ee Aadan-yabaal looga noolaa.

Warbixinta ay tebisay warbaahinta dowladda waxay muujineysaa in dadka faro ku tiriska ah ee degmadaas ku nool ay weli ka baqayaan kooxda Al-Shabaab.

Duurka fog ee degmadaan waxaa ka socda caabsiga ciidanka xoogga dalka iyo xaq u dirirka deegaanka ay ku eryanayaan Al-Shabaab-kii ka cararay degmadaas.

Wasiirka difaaca qaranka iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa safar ku tegay degmada Aadan-yabaal, halkaas oo ciidanka iyo dadka deegaanka ay kula hadleen, iyagoo u sheegay in dib aan loo noqa doonin oo lasii baacsa doono kooxda.

Hoos ka daawo warbixinta