DF oo shaacisay arrin murugo leh oo Al-Shabaab ay kula kaceen dagaalyahanadooda

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareyay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo Al-shabaab ay dagaalyahanadoodii ugu geysteen degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Bayaankaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay xasuuq wadareed u geysteen dagaalyahano ka badan 100 qof oo looga dhaawacay dagaaladii ay ku galeen deegaanada HirShabeelle.

“Dowladda Federaalka ayaa tacadiyadaas ku tilmaantey kuwo ka baxsan diinta Islaamka, aadminimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed intaba,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Warka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Dhakhaatiirta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo diyaar u ahaa daweynta iyo xanaaneynta Khawaarijta dagaalka ku dhaawacmey, ayaa ka war helay in la helay godad waaweyn oo lagu guray Khawaarijta iyagoo dhaawacan ay dhameystireen madaxda Khawaarijta ee sii cararayey.”

Sidoo kale warkaan waxaa lagu sheegay in dowladu ay aamisan tahay in dagaalka lagu qasbay dhalinyaradaas dhaawacyadooda la dhameystiray, oo hadii ay gacanta dowladda soo galaan heli lahaa dabiib caafimaad, soo dhoweyn iyo in loo diyaariyo inay bulshada dib uga mid noqdaan marka ay dhameystaan barnaamijyada dhaqan celinta ee dowladda.

“Waxaa mar kale loogu baaqayaa dhalinyarada la khaldey inay iska diidaan awaamiirta horjoogeyaasha arxanlaaweyaasha ah, ayna degdeg isugu soo dhiibaan dowladda si naftooda iyo mustaqbalkooda loo badbaadiyo,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedkaan ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanku Al-shabaab ka qabsadeen degmada Aadan-yabaal ayaa duleedka degmadaas iyo deegaano kale oo kooxda laga saaray waxaa lagu arkay meydadka dagaalyahanadii kooxda oo toban-toban loo aasay.

Warkaan ka soo baxay dowladda ayaa muujinaya in Al-Shabaab ay bilaabeen inay dhameystiraan oo laayaan dhaawacyada dagaalyahanadooda ka soo gaara dagaalka ay kula jiraan dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.