DF oo shaacisay cadaadis ay saartay IGAD iyo arrin ay soo ogolaatay (Daawo)

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo kamid ahaa wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee ku sugan magaalada Jabuuti ayaa sheegay in IGAD ay cadaadis xoogan ku saareyso inay xaliso xiisada Kenya.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo afmeermay shirkii madaxda IGAD ayaa waxa uu sheegay in madaxda ku bahoobay ururka IGAD ay dowladda Soomaaliya cadaadis ku saareen sidii xiisada kala dhaxeysa Kenya loogu xalin lahaa golahaas, iyada oo la dejinayo xiisada.

“Madaxda IGAD waxay aad cadaadis ugu saareen Soomaaliya in arrinta Kenya uu noqdo mid lagu xalliyo IGAD dhexdeeda, oo uu noqdo mid laga gaaro wada-hadal iyo is afgarad oo halkaas arrimaheena ku xallino, tallaabada ugu horeysa ay tahay in xaalada la dejiyo iyo xiisadda, Soomaaliya taas waa ogolaatay, laakiin waxaan ku xirnay shuruud ah in loo saaro guddi arrimaha ay Soomaaliya ka ashtakooneysay,” ayuu yiri.

Waxa uu xusay in madaxda IGAD ay ka ogolaadeen in la dejiyo xiisada oo xiligan mareysa meel sarre, tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay, kadib markii ay ku eedeysay faro-gelin ka dhan ah qaranimada.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay dalbadeen in guddi loo saaro xiisada ka soo cusboonaneysa xadka Kenya, oo uu sheegay in xukuumadda Nairobi ay halkaas ku abaabushay maleeshiyaad jabhado ah oo hubeysan, wuxuuna shaaciyey in IGAD ogolaatay in loo diro guddi xaqiiqo raadin ah.

Wuxuu dabacsanaan badan ka muujiyey mowqifkii adkaa ee dowladda federaalka ka taagneed xiisada Kenya, kadib cadaadiska uga yimid madaxda IGAD oo ay dowladda federaalka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya.

Hadalkan ayaa imanaya xili maalintii shalay aheyd magaalada Jabuuti lagu kulansiiyay madaxda labada dal, kaasi oo goob joog ka ahaayeen madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo iyagu isku keenay, si xal looga gaaro xiisada labada dal.