Ciidamada DF Soomaaliya oo weerar ku qaaday guriga sarkaal la raadinayo (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya xalay ka fuliyeen guri uu magaalada Muqdisho ka degan yahay sarkaal ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Sarkaalkaas waxaa lagu magacaabaa G/Sare Maxamuud Maxamed Nuur Masdile, waxaana lagu sheegay sababta loo weeraray gurigiisa in lala xariirinayo dagaal maalinka hor ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex-maray degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir,

Ciidamadii xalay u dhacay guriga sarkaalka ayaa lagu eedeeyey inay geysteen khasaare badan oo isugu jira naf iyo maal, isla markaana ay halkaas ka kaxeysteen dad aan waxba galabsan.

Warbaahinta Dalsan ayaa maanta booqatay guriga la weeraray ee G/Sare Maxamuud Masdile, waxayna reerkiisu sheegeen in loola dhaqmay si aan habooneyn oo loo geystay jir-dil, dhac iyo burburin iyo xarig.

“Anagoo iska jiifna oo dumar u badan ayaa gurigeena loo soo dhacay, waa nala handaday, taleefanadii iyo qalabkii kale ee guriga noo yiilay waa nalaga qaatay, wax naloo reebtay ma jiraan, wiilashii walaaleheena ahaa waa la ka xeystay,” ayey tiri haweeneyn ka mid ah dadkii ku sugnaa guriga sarkaalka la weeraray oo Dalsan TV la hadashay.

Iyadoo sii hadleysay ayey sheegtay in ragga laga soo kaxeysatay guriga uu ku jiray seygeeda, markii ay saakay tagtay saldhigga degmada Kaaraana loo sheegay in aan dadkaas saldhigga la keenin, isla markaana aysan garaneyn illaa hadda, halka la geeyey raggii xalay ay ciidamada ammaanku ka soo xireen guriga G/Sare Masdile.

Hoos ka Daawo warbixinta