DF oo shaacisay caqabado ka hor taagan inay sameyso lacag shillin Soomaali ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka warbixiyey halka uu marayo qorshaha lagu sameynayo lacagta shilinka Soomaaliga iyo caqabadaha hor taagan.

Wasiir Cilmi ayaa shaaciyey in kolhore Soomaaliya loogu deeqay oo bangiga adduunka uu balan-qaaday inta badan badan lacagtii lagu soo daabici lahaa shilin Soomaaliga, balse weli xal loo helin farsamooyin kale oo dowladda looga baahanyahay iyo lacag gaareysa 30 milyan oo dowladdu aysan awoodin.

Wasiirka maaliyadda oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa la weydiiyey sababta hor taagan in la sameeyo lacagtii shilin Soomaaliga ee dadka Soomaaliyeed ay milkiyadda u lahaayeen, wuxuuna sheegay inay jiraan laba caqabadood oo kala ah:

1 – In lasoo daabaco lacagtaas waxaa ku baxaysa 70 Milyan, lacagtaasna miisaaniyadeena kama go’do, marka bangigga adduunka ayaa mar dhexe noo balan qaaday in ka badan 40 Milyan, waxaana lagu balamay in 30-ka kale la raadiyo, welina waa taagan tahay arrintaas.

2 – Arrinta labaad ee caqabadda ah waa dhinaca farsamada, sida in Bangiga dhexe uu isku diyaariyo sameynta lacagtaas, waxaa loo baahan yahay in bangigu helo qalabkii loo baahnaa iyo ilaalinta qiimaha suuqa ee lacagta la sameyn doono.

“Waxaa haloo loo baaha doonaa in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay heshiis ka galaan sidii lacagtaas ay uga wada shaqeyn laheyd dalka oo dhan, wadahadalkaas heshiiskii lagu maamuli lahaa lacagtaas waa socdaa hadda,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa wareysigaan ku sheegay in heer wanaagsan uu marayo diyaar garowga sameynta lacagta shilin Soomaaliga, sida in bangiga dhexe uu awood u leeyahay, balse farsamooyinka qaar ay ka dhiman yihiin iyo in la hayo kala bar ka badan lacagtii lagu sameyn lahaa shilin Soomaaliga.

Lacagta shilin Soomaaliga oo hadda laga isticmaalo koonfurta Soomaaliya qeybo ka mid ah ayaa noqotay mid aad u liidata oo wax dayactir ah aan helin, sanadihii badnaa ee dalku uu burburka ku soo jiray.

Inta badan dalka hadda lagama isticmaalo shilin Soomaali, gobollada ay lacagtaasi ka joogsatay waxaa ka mid ah Galmudug, Somaliland, Puntland, qeybo ka mid ah HirShabeelle iyo qeybo ka mid ah gobollada Jubbaland, gaar ahaan degmooyinka iyo deegaanada xiga xuduuda Kenya, sida Beledxaawo.